Dawlada Somalilan, Dagaal Ma Dhexyaal Budlane.

0
Tuesday September 03, 2019 - 09:21:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Somalilan, Dagaal Ma Dhexyaal Budlane.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB). SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB). SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

1-DAWLADA SOMALILAN,DAGAAL MA DHEXYAAL BUDLANE,

  DEEGAANKA DADKA KU DHAQAN,DANAHOODII SEEGAYO,

  DOORASHUNBA LAGU GALAA,CIIDAMO LAYSU SOO DIRO,

  DULAAN AAN DHAMANAHAYN, DULMIGA IYAGA KU QABA.

 

2-DERISNIMADII WAXA QARIBAY,QAARAAN U DANAYNAHAYN,

   DANAYSTE SIYAASADEED,SARAAKIIL AAN DHANBA DEGAYN,

   DHARAARBA DAANU GUURAYO,DAMIIRKI KA QOOMANYAHAY,

   WAXII DUMA YEELKADODE,DILKIYO DHIMASHADA KU NOOL.

 

3-DURBAAKA IYO SACAB U TUMA,DHAMEEL KA U DAADIYOON,

   WAXAY DOONAYAAN KU HELA,DUDMIYO DIGO DOORSIGOON,

   DHANABA DAACAD UMA AHOO,DIRQIBAA BADI LAGU HAYAA,

   HADDAY DHINACUUN DEGAAN,WAX WEYNBA IS DOORINLAA.

 

4-DUNIDAN WAA LAGA TEGIYE,INTAYDUN DUL TAAGANTIIN,

    DADKIINAW NAXARIISTA,DUCIYO KA SHAQAYSTA KHAYR,

    DARYEEL CAAFIMAAD DHANIYO,DUGSIYO WAY U BAAHANYIN,

    DADAAL BADANBA KA MAQAN,DAAWAYN NABAD BAY RABAAN.

                     ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...