Xisbiyada Mucaaridka Ah Oo Eedaymo Dusha U Saaray Wasaarada Waxbarashada

0
Saturday August 10, 2019 - 20:28:46 in News by
  • Visits: 1571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada Mucaaridka Ah Oo Eedaymo Dusha U Saaray Wasaarada Waxbarashada

    Xisbiyada Mucaaridka Ah Oo Eedaymo Dusha U Saaray Wasaarada Waxbarashada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiyada Mucaaridka Ah Oo Eedaymo Dusha U Saaray Wasaarada Waxbarashada


Hargeysa(HWN):-Wasaarada waxbarashada iyo sayniska ayaa ay xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo Uicid ku dhaliileen in aanay dalka u samayn manhaj mideeya isla markaasna aanay gudan waajibaadkii looga baahnaa.




Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi iyo xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa wada jir ugu canaantay wasaarada in aanay u shaqaynayn sidii loo baahnaa, iyaga oo ka qaybgalay xaflad qalin jabin ah oo madarasad quraan loo qabanaayay. Ugu horayntii xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo ka hadlaayay sida manhajka dalka wasaaradu aanay uga shaqayn waxa uu yidhi "Maanta hadaad madarasadaha iyo dugsiyada dhamaantood aad eegto ilmaha halka laga soo saaro waxa laga eegaa manhajka ay umaddu leedahay, maanta manhajyadii cid kasta oo meel ka soo noqotay waxay furtay dugsi dugsigaasina waxa uu wataa manhajka dalkii ay ka yimaadeen, dugsiyo lagu dhiganaayo manhajyadii Iskaandaneefiyaanka iyo Ingiriiska, manhajku waxa uu ka kooban yahay xisaab iyo saynis iyo akhlaaqiyaad qofka aynu doonayno in la soo saarana waxa laga soo saaraa manhajkaas weey, waana masuuliyad ay dawladu leedahay inay garatana Alle waynu ka rajaynaynaa.” 


Xoghayaha warfaafinta Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa dhankiisa sheegay in aan wasaarada waxbarashada lagay hayn waxtar iyo dhiirigalintii ay u baahnaayeen dugsiyada iyo macalamiinta dalku"Wasaarada waxbarashadu waxay qaranka ugu jirtaa baahi timi ayaa loo aas aasay, inay ka warhayso baahida dugsiyada,kor u qaadista tababarada macalimiinta inay dhiirigaliso madaariska iyo waxbarahada maadiga ah ee kaleba.waxaan leeyahay madaariska wasaaradu ha qiimayso oo waxay u qabanayaana haw sheegto.”

Loading...
Loading...