Kornayl Caarre Oo Ka Biyo Diidsan Shuruud Xukuumadu Ku Xidhay

0
Saturday August 10, 2019 - 14:14:45 in News by
  • Visits: 9865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kornayl Caarre Oo Ka Biyo Diidsan Shuruud Xukuumadu Ku Xidhay

    Kornayl Caarre Oo Ka Biyo Diidsan Shuruud Xukuumadu Ku Xidhay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kornayl Caarre Oo Ka Biyo Diidsan Shuruud Xukuumadu Ku Xidhay


Hargeysa(HWN):-Xukuumadda madaxweyne Biixi ayaa shuruud hor leh ku xidhay fulinta heshiis dhexmara Kornayl Caarre. Xogo uu helay wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in madaxda dhaqanka ee la kulmay Caarre dhammeeyeen guud ahaan arrimaha marka laga reebo mustaqbalka Caarre.

Caarre Oo Diidan Shuruud Xukumaddu Ku Xidhay


Xoguhu waxay sheegayaan in xukuumaddu dalbatay in Kornayl Caarre ka baxo dalka kadibna dibadda ka soo codsado cafis madaxweyne sidaasna madaxweynuhu ku cafiyi doono laakiin, Kornayl Caarre ayaa arrintaasi ku gacan-saydhay.


Madaxda dhaqanka ee hawshan ku jira ayaa badhkood Hargeysa ku soo laabtay halka qayb kale oo Suldaan Maxamed Sul. Xirsi Qani hormuud u yahay wali ku sugan tahay gobolka Sanaag waxaana arrinta kala shaqaynaya badhasaabka Sanaag Mr Tiimbarow.


Madaxweyne Biixi ayaa loo arka in ay caqabad weyn ku tahay jabhadda fadhiisinka ka dhigatay meel aan ka fogayn Ceerigaabo, islamarkaana marar badan laga taageeray Ceerigaabo iyo Burco, waxaanay dhammaynta arrintaasi ee odayaashu culays ka ridi doonto xukuumadda.

 



Xigasho:-Wargeyska Geeska
Loading...
Loading...