Konton Qof Oo Ku Geeriyooday Dalka Tanzania

0
Saturday August 10, 2019 - 12:11:29 in News by
  • Visits: 2225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Konton Qof Oo Ku Geeriyooday Dalka Tanzania

    Konton Qof Oo Ku Geeriyooday Dalka Tanzania

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Konton Qof Oo Ku Geeriyooday Dalka Tanzania


Ku dhawaad 50 qof ayaa geeriyootay kaddib markii booyad nooca shidaalka qaada ah uu dab ku qabsaday deegaanka Msamvu Itigi ee gobolka Morogo.



Magaala xeebeedka uu markabku dabka ku qabsdaay ayaa waxa ay ka tirsan tahay gobolka bartamaha ee waddanka Tanzania, waxa ayna qiyaastii 3 saacadood u jirtaa caasimadda maamulka dowladda ee Dodoma.


Sawirro lasoo galiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burburka booyada gubatay iyo meydad dhulka yaalla.


Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in dadka ay isku dayayeen inay boobaan shidaalka saarnaa gaariga, oo rogmaday, ka dibna uu qarxay.


Gobolka Morogoro ayaa qiyaastii 200 km u jira magaalo xeebeedka ku taalla galbeedka dalkaa ee Dar es Salaam.


Magaalada uu shilkan ka dhacay ayaa marin muhiim ah u ah gaadiidka waaweyn ee shidaalka kasoo qaada dekedda Dar es Salaam, oo ah magaalada ganacsiga ee waddankaas.


Waxaa laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu ay sare u sii kacdo.


Xigasho BBC Somali

 


Loading...
Loading...