Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Tallaabo Laga Qaadayo Shirkaddo Dayacay Xujeyda Soomaaliyeed

0
Saturday August 10, 2019 - 10:30:46 in News by
  • Visits: 2123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Tallaabo Laga Qaadayo Shirkaddo Dayacay Xujeyda Soomaaliyeed

    Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Tallaabo Laga Qaadayo Shirkaddo Dayacay Xujeyda Soomaaliyeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Tallaabo Laga Qaadayo Shirkaddo Dayacay Xujeyda Soomaaliyeed



Muqdisho(HWN)Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka war-hayaan qaar ka mid ah sharkaddihii loogu tala-galay in ay dabaabulaan xujeyda Soomaaliyeed si qaldan adeegyadii lagama maar—maanka u ahaa qofka xaajiga ah.



Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Diinta Cismaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in guddi ay dowladdu u saartay la socodka xaalada xujeyda ogaadeen in jiraan shirkaddo dayac weyn u geystay xujeyda Soomaaliyeed.



"Waxaan ogaanay in shirkaddaha qaarkood sameeyeen qaladaad dulmi ku ah xujeyda oo aan habooneyn, waana la xisaabtameynaa, waxaa ay aheyd in shirkadaha u adeegaan xujeydam oo baabuurta u diyaariyaan iyo meelihii ay degi lahaayeen”ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka.


Tirada shirkaddahan ayuu sheegay in ay gaarayaan ilaa afar shirkaddood, islamarkaana dowladdu ku qaadi doonto tallaabada ku haboon.


Loading...
Loading...