Wiil 6 Sanno Jir Ah Oo Xiddig Ka Ahaa Barta Youtube-ka Oo Geeriyooday

0
Saturday August 10, 2019 - 09:53:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil 6 Sanno Jir Ah Oo Xiddig Ka Ahaa Barta Youtube-ka Oo Geeriyooday

    Wiil 6 sano jir ah oo xiddig ka ahaa barta Youtube-ka, isla markaana muuqaalladiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil 6 sano jir ah oo xiddig ka ahaa barta Youtube-ka, isla markaana muuqaalladiisa
majaajilada ah si weyn looga jeclaa dalka Burundi iyo meelo kale oo ka tirsan caalamka ayaa u geeriyooday cudurka malaariyada.

Darcy Irakoze, oo caan ku ahaa naaneysta Kacaman, ayaa dhiganayay dugsiga hoose, waxaana uu ka qeyb qaadan jiray bandhigyo online ah iyo kuwo laga sameyn jiray masraxyada.



Xanuunka Malaariyada ayaa ku dhacay maalintii Arbacada, wuxuuna geeriyooday hal maalin ka dib.

Cudurka Malaariyada ayaa dalka Burundi ku dilay in ka badan 1,800 oo ruux sanadkan oo kaliya, sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO.


In ka badan 5 malyan oo kiis, oo Malaariya ah ayaa waddankaas laga diiwaan galiyay tan iyo bishii Janaayo.

Cudurkan ayaa ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee laaya carruurta qaaradda Afrika, waxaana maalin walba qaaradda gudaheeda ugu dhinta 2,500 oo carruur ah, sida laga soo xigtay hay'adda arrimaha carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Unicef.


Darcy wuxuu bandhiggiisii majaalilada ee ugu dambeeyay sameeyay 2-dii bishan Agoosto, waxaana ku wehlinayay majaajiliistaha caanka ah ee reer Burundi ee lagu magacaabo Kigingi.


Waxaa jiray bandhig kale oo Kigingi uu qorsheynayay inuu dhawaan lasoo sameeyo cunugan lix jirka ahaa.

Kigingi ayaa BBC-da u sheegay in geeridan ay khasaare weyn ku tahay isaga shakhsi ahaan iyo guud ahaan waaxda madadaalada ee dalka Burundi.


Dhimashada Darcy ayaa kicisay dood xoog leh oo laga sameynayo kiisaska malaariyada ee sanadkan sare u kacay.


Tirada dadka Malaariyada ugu dhinta dalka Burundi ayaa la baratameysa tirada dadka uu cudurka Ebola ku dilo waddanka ay dariska yihiin ee Koongada Dimuqraaddiga, sida ay sheegtay hay'adda WHO.


Kiisaska Malaariyada ayaa heer aad u sarreeya ka gaaray waddankaas, inkastoo dowladda Burundi ay muran galisay qiyaasta.


Wasiirka Caafimaadka Thaddée Ndikumana ayaa warfidiyeenka u sheegay in tiradu ay intaas ka yartahay, oo ay tahay 4.3 milyan oo kiis iyo 1,400 oo dhimasho, sanadkan gudihiisa.


Wuxuu intaas ku daray in hoos u dhac uu jiro, maadaama sanadkii 2017-kii ay tiradu ahayd 4.9 malyan oo kiis iyo 4,300 oo dhimasho.


Laakiin WHO ayaa diiwaan galisay in sanadkii 2017-kii guud ahaan dunida ay kiisaska cudurkan gaareen 220 malyan iyo 435,000 oo dhimasho.


In ka badan 90% ka mid ah tiradan ayaa gaar ku ah qaaradda Afrika oo kaliya.


BBC

 

Loading...
Loading...