Shacabka Ruushka Oo Ay Cabsi Soo Food Saartay Ka Dib Markii Uu Qarxay Gantaal Halis Ah

0
Saturday August 10, 2019 - 09:49:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Ruushka Oo Ay Cabsi Soo Food Saartay Ka Dib Markii Uu Qarxay Gantaal Halis Ah

    Shacabka ku nool waqooyiga fog ee dalka Ruushka ayay soo food saartay cabsi xoog leh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka ku nool waqooyiga fog ee dalka Ruushka ayay soo food saartay cabsi xoog leh
oo ay ka qabaan sun hawada ku faaftay, ka dib markii uu si aan ku talagal ahayn u qarxay gantaal halis ah.

Warbaahinta Ruushka ayaa soo tabisay in gantaalka milatariga ee qarxay uu sababay shucaac hawada ku darsamay, kaasoo sababi kara waxyeello.



Dadweynaha ayaa u dagdagay inay soo iibsadaan kaniiniyaasha ka sameysan maadama loo yaqaanno iodine-ta, iyagoo doonaya inay isaga difaacaan khatarta soo wajihi karta.


Farmashiyeyaashii lagu iibin jiray iodine-ta ayaa lagu soo warramay inay kasii dhammaaneyso maadadaas.

Magaalooyinka ay cabsidan saameysay ayaa kala ah Arkhangelsk iyo Severodvinsk, waxaana lasoo tabinayaa in Iodine-ta ay ka idlaatay bakhaarrada dawooyinka.


Iodine-ta ayaa hor istaagi karta shucaaca oo qudhiisa ka sameysan nooc kamid ah isla maadadaas.

Hase ahaatee, dhakhaatiirta ayaa sheegay in dhibaato kale oo caafimaad ay sababi karaan kaniiniyaasha iodine-ta.


Labo ruux ayaa ku geeriyootay halka lix kalena ay ku dhaawacmeen gantaalka qarxay oo lagu tijaabinayay xarun milatari.


Balse taliska milatariga ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixinin dhacdadaas.


Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in shucaacu uu muddo 40 daqiiqo ah ka sarreeyay sida caadiga ah, laakiin markii dambe uu caadi kusoo laabtay.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in uu qarxay matoorka gaaska dareeraha ah siiya gantaalka, laakiin ma aysan sharrixin dhibaatada kale ee ka dhalatay qaraxaas.

Ciidamada badda ayaa hadda dhammaan maraakiibta ka fogeeyay aagga u dhow saldhigga Dvina Bay, iyagoo ka maqnaan doona muddo hal bil ah.


Saraakiishu ma aysan faahfaahinin arrinta ku saabsan saldhigga sida ku meel gaarka ah loo xiray.

Magaalada Severodvinsk waxaa ku nool dad ay tiradoodu gaareyso 200,000 oo ruux.


Severodvinsk waxaa ku taalla xarun lagu dayactiro hubka sida ba'an wax u gumaada ee nuclear-ka

Warbaahinta ayaa soo tabisay in dhakhaatiirta daabuleysay dadka ku dhaawacmay goobta uu qaraxa ka dhacay ay xirnaayeen dharka la isaga difaaco waxyeellada kiimikada iyo nuclear-ka.


Sanadkii 1986-kii ayaa si weyn loogu yaacay gadashada dawooyinka ka sameysan iodine-ta, ka dib markii ay musiibo nuclear ah ka dhacday waddanka Ukraine, taasi ayaana shucaaha sunta ah ku faafisay guud ahaan qaaradda Yurub.


Shilkan ugu dambeeyay ayaa noqonaya kii labaad ee ay milatariga Ruushka ku lug yeesheen isbuucan gudihiisa oo kaliya.


Maalintii Isniinta, hal qof ayaa ku dhintay, siddeed kalena way ku dhaawacmeen dab qabsaday xarun ay rasaas ku xareysneyd oo ku taalla gobolka Siberia.


Galinkii hore ee Khamiistii, ayuu soo baxay warka sheegayay in uu qarax ka dhacay xarunta milatariga ee u dhow xaafadda Nyonoksa.

 

BBC

Loading...
Loading...