Haday Somaliland Dhuun Yeedhisay ( Abdi-Shotaly).

0
Monday July 15, 2019 - 16:27:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haday Somaliland Dhuun Yeedhisay ( Abdi-Shotaly).

    Haday hugontoo hugu ka ambaday, hoosiis madhan iyo ciiro ku hafatay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haday hugontoo hugu ka ambaday, hoosiis madhan iyo ciiro ku hafatay,

hadh -bacaad iyo meel aan hoy jirin, habqan-keeddii hogaanku u go'ay, humaag beeniyo halkay u goday, higsad-keeddii ku haraadoo, hayaan aan jirin,hayin-keeddii heero saarto, habaas iyo boodh uu hadheeyoo, hoheey ciil iyo hadaan sii go'ay, ku hadaaqdoo hawo lumisoo, hogog doofaar hoosta ka gashoo, higadeddii habeen ugu dumay, hadda dhimataye, saw horseedkii hayaanka u raray, muu halaynoo hambag muu noqon, derbi ma hirdiyin, hadhsan waydayoo, haadda duushaa hamba-deeddii lafii hiigtoo harag kuma hadhin, hedi-dhaaftaye kii ku heesaa, hareer-teeddii, hoogay ka lahoo hilba-heeddii, markuu ka hirqaday, hadda daydaya. wax-ba yaan aaraar ku raagine, aan silica Somaliland lagu bacad joojiyey idiin galo iyo halkay maanta marayso ee u diyaar-garaw akhristaw. Malaha weli rajo baad ka qabtaan, wax beri la odhan jirey magceedda Somaliland, oo abur ku baxay, siddii maro beri la xidhan jiray, oo intay idlaatay, cidla lagu tuuray, oo uu googooyeen aboor, bar kastaba uu dalooliyey, baa sideeddii oo kale aanay jirin meel u fayaw wakhtigan isaga ah, ee ku soo dhawaw xaqiiq-ddii waa tane:



Tix hore baa waxa ereyada-deeddii ka mid ahaa " Nin gurani hal uu dhebay, oo dhebiga saar-saaray, dhana uma fayoobaa la yidhi, oo dheegagaa baxaye". Sidda hashaa uu ninka gurin, dhan kaste uu dhengadda kaga googooyey, oo kale baa Somalialnd-na askarta meesha ka bakh-bakh lihi ( waa raggii ma adiga aka hdhay iyo geenyo shaaximane" ay qurub-qurub u jarjareen, oo markii habar dugaag ka fulay, ay u wadheen cayayaankii soo hadhaaga feenan jirey, kuwaas baa imika rifaaya, dhogortii dhulka ku daadatay, ilayn wax kale ma hadhine, waxana ka markhaatiya, in ay tahay sidda neef uu jiifaa bakh-tiistay, waxa ku dhasha wax alaale wixii ahaa dooryaan iyo feenato qudhunkaa ka dhashay, waa sidda ay tahay Somali-ande, oo wax soo gala ama ka baxayaa aanay jirin, adoon meel kale ka doon-doonin, waxa la is waydiiyey " Mayd yaa u dambeeyey?" Waxa ay jawaabtii noqotay " Kaa la sii sido". Waxan uga socdaa aan kuu soo koobo'e, Allay-lehe shaki kuma jiro in ay hadda Somaliland ay dhuun yeedhisay, oo ay askartu axan iyo agas-keedda qaaday, fidigee-diina kudaafadda ku riday.


(1) Ummadda Somaliland waxay 100% ku noolayd xoolaha ilaa iyo intii uu jirey, magaca Somali la yidhaahaana uu baxay, ee uu eebbe inagu beeray bogcadan aynu degenahay ilaa iyo hadana wax kale oo u soo raacaa ma jiraan, hadaan been iyo khiyaali la isu sheegayn oo aan runta la diidayn. Maanta waxad arag-taan in 20000 oo neef ay ku xaniban yihiin dekedda Jidda ee Sucuudiga, oo laga mamnuucay in ay dib dambe xoolo uga dhoofaan Berbera, oo ah halkii dhuunta laga qulaamin jirey-na Ummadda Reer Somaliland. Hadaba waxa haboon in aynu is waydiino maxaa keenay arintaas ee ay sidaasi u dhacday? Iyadda oo saddexddii madax-weyne ee hore-ba aanay dhicin ( Waa Abdiraxman, Cigaal ( Ihun labadaba'e iyo Riyaale oo nool ilaah khayr ha siiyo'e.)

* Jawaabtu waa tan, waxana keenay:-

(a) Farsama xumaan iyo aqoon daro maamul oo aanay haba-yarataee fekred ka haysan askartani Qaab dawaladeed.


(b) Ku tallo gal ah "Xoogsi", waayo markii hore-ba xukunka umay boobayn wax qabta, ee ujeedadda ay u yimaadeen-ba waxay ahayd ka fara-qabsadda, in gaar ahna ku dhaqaaleeya, inta kale-na dhabarka u jeediya.


(c) Intii ay ku jeedeen Reer hebel ku dir Reer hebel kale, si aad uga dhex faa'iidaan (Sidda colaadda Degmadda ceel-af-weyn), iyo beelo gaar ah la colaw, baa albaab kasta ay ka soo xidheen, ka Mareexaan iyo ka murusade ee xamar danbaabaa. ilayn maskaxdda askartu ma taqaano siyaasad, ee waa been ku ceesh cadaan ahe. umaba ay dhalan wax qabta, kamana fekeraan, waxa dalkii iyo dadkii halkaa dhigay-na waa maskax la'aan-taas iyo waalidda aan loo aabo dayen.


(d) Reer Hebel xidh-xidh, Saxaafadda Cabudhi yaanay wax kaa sheegina, intay ku mashqqul-sanaayeen ba axamar u tashatay, lana wareegeen wax kaste, haduu jaahilkii gaafaadhi ay nac-nacddii ka dhamaatay, aqoon xumidiisa.


* Horaa loo yidhi "Xumaan u badheedh, ma badbaado" Waxan akhristaw ku soo dabray qoraalkan, Ishii keli ahayd, ee miyi iyo magaala-ba lagu noolaa, waxay ahaayeen xoola dhaqatadda, tiina maanta baa alaabadda loo soo xidhay, mana jirto rajo kale iyo wax ka soo naaso cad maalin-kaas maanta ah. waxa hadhay oo keliya hadeer, qoys waliba in uu inta yar ee uu xoolo haysto maalin-ba neef qasho, ilayn cid ka iibsanaysaa ma jirto, iyo ganacsade debed u dirayaaye, ugu dambayn ahna hadal iyo murtiddii waaqiciga ahayd, waxa weeye, haduun baa bay-hoof inoo bilaabmay, intii hore-ba ka kac, waxa joogtaa in dadku si cuno oo aan siddii bahalaha is ugaadhsano Iyo kiina roonaw reerka u hadh ee maxaa idiin tallo ah?

* N.B Xumaan u badheedh Ma badbaado!

Qore- Abdi-Shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...