Waa laga faa'iidaysta xurgufaha ka jira dawladaha isku muuq muuqda..W/Q Barkhadladiif M. Cumar

0
Sunday July 14, 2019 - 20:50:20 in Articles by
  • Visits: 1208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa laga faa'iidaysta xurgufaha ka jira dawladaha isku muuq muuqda..W/Q Barkhadladiif M. Cumar

    Waa laga faa'iidaysta xurgufaha ka jira dawladaha isku muuq muuqda..W/Q Barkhadladiif M. Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa laga faa'iidaysta xurgufaha ka jira dawladaha isku muuq muuqda..W/Q Barkhadladiif M. Cumar


Waa laga faa’iidaysta xurgufaha ka jira dawladaha isku muuq muuqda
--------------------
Waxa la mooda in Somaliland ay ka dhiman tahay siyaasadda Carinta iyo loollanka ah, tusaale ahaan hadii Carab aad doonayso inaad danahaaga ka dhamayso oo kuu warwareegaan waxa xidhiidh dhow lala yeeshaa Iiraan, waxa hubaalla iyagoo ordaya inay ku yimaadaan.




Hadaad doonayso in aad Yurub ka xanaajiso waxa lagu xidhaa Shiinaha, loollanada dunida ka jira laga faa’iidaystaa, lkn siyaasada daawashada waxa dunida ka dhacaya waxay kaa lumisa jaanisyo badan oo aad heli lahayd.


Siyaasada nacasnimadu waxa weeyi waxba ha dhaqdhaaqin, ha isku dirin kuwo kuu dhow xiitaa hadii aanad waxba ku qabin, laakiin markaad doonayso in siyaasadaadda gobolka laga dareemo waa inaad dadka is haya iyo dalalka isku muuqda hadba kaad doontid ka dul tagi kartid.


Bal u fiirso Eritrea si wal oo lagu sameeyey way ka nooshahay, Itoobiya darteed baa loo cadaadiyey, markaasay dalalkii jaarka ahayd oo dhan mid walba qas galisay illaa markii dambe la iska sasabay oo Itoobiya loo muquuniyey inay la heshiishyo si gobolku u dego, mararka qaarkood fursadaa ku jira siyaasadaha is miidaaminta.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...