xusuus xusuusteed: Baroor-diiqda Hodan Naaleeye..E/Q WQ: Boobe Yuusuf Ducaale

0
Sunday July 14, 2019 - 20:46:33 in Articles by
  • Visits: 2262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    xusuus xusuusteed: Baroor-diiqda Hodan Naaleeye..E/Q WQ: Boobe Yuusuf Ducaale

    xusuus xusuusteed: Baroor-diiqda Hodan Naaleeye..E/Q WQ: Boobe Yuusuf Ducaale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

xusuus xusuusteed: Baroor-diiqda Hodan Naaleeye..E/Q WQ: Boobe Yuusuf Ducaale



"Ummad gob ah hankeediyo,
Gunnadii dadkaagiyo,
Gaadh baa ku weheshee,
Miyuu kaa gol roon yahay,
Giiryaale kugu ciyay,”

Maansada Galaal ee Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawi,


Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale,
14/7/2019ka, Hargeysa
Markii ay gumeystayaashu halyaygii la quudhi waayay ee Baatriis Lamumba oo ahaa Ra’iisal-wasaarihii dalka Koongo dileen ayuu Cabdillaahi Qarshe ugu baroor-diiqay:
"Lamuumba ma noola mana dhiman,
Muuqiisoo la waayo mooyaan e’,
In uu maqan yahay hya moodina,”



Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, Hodan Axmed Siciid Naalleeye ayaa halkaa halkeedii taagan oo aan dhimanna noolayn sidaa Cabdillaahi Qarshe sheegay. Iyadana naxariistii Janno innagana dhammaanteen Samir iyo iimaan.


Uma hollan qormo dheer oo aad ku daashaan, aniguna ma jecli in aan xanuunka iyo xaradhaamada geeridan foosha xumi leedahay idin ku sii hayo. Geeri wax lagu sheego ma ay ahayn ee geeri, geerideed ayay ahayd. Ka-sokow dadka kale, waxa is-raacay: Hodan, ilmo ay uurka ku sidday iyo seygeedii Jaamac Fariid. Qaraxu galabnimadii uu dhacay habeennimadiiba waan maqlay. Bal se subaxnimadii ayay Isir Guuleed oo aan awow u ahay igu tidhi: "Awoowo, Hodan Naalleeye ayaa qaraxii Kismaayo ku dhimatay.” Naalleeyihii ayaan sii dhadhansaday. Saaxiibkay hawl-wadaaggay…..halgan-wadaaggey Axmed Siciid Naalleeye ayaa markiiba igu soo dhacay. Xusuustii Axmed ayaa Hodan igu ridday oo ii geysay. Waxaan markiiba xusuustay beri aan sidaa u sii fogayn oo ay halkan Hargeysa soo martay iyada oo odeygga wadday in kasta oo aanan fursad u helin in aan la kulmo.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing

Sida loo yidhaahdo nin kasta oo weynba marwo ayaa ka danbeysa, ayaan aniguna immika is-leeyahay ilmo kasta oo weynba lammaane wanaagsan baa ka danbeeya. Sidaas ayay Hodan ku noqotay qofkan ay ahayd ee ma-hadhada reebay Soomaali inteedi badnaydna ku hadaaqayso magaceeda. Hodan korriin iyo barbaarinba waxa aan waxba kala hadhin aabbaheed Axmed Siciid Naalleeye iyo hooyadeed Khadiija Cabdi Xuseen. Dhismaha qoysku magaalada Cadan ayuu ahaa. Ilbaxnimadaa hodanka ahayd ayay Hodan ka soo jeeddaa.


Axmed Siciid Naalleeye, Xamar ayaanu xarumihii Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ka wada shaqayn jirnay. Beryihii danbe duruuf aad iyo aad u adkayd ayaanu ku shaqayn jirnay oo aanay cidina hubin in ay gurigeedii ku noqon doonto. Xusuustayda ugu badan ee Axmed Siciid halkaas ayay ku jirtaa. Saaxiib rumaad ayuu ii ahaa. Waalid I ilaaliya ayuu ii ahaa. Waxaanan illoobayn intii uu waano iyo digniinba ii huray xilliyo aan aad iyo aad ugu baahnaa Axmed Siciid Naalleeye, mar kale ayaanu halgankii hubeysnaa ku kulannay 1982kii, Ilaahay se ma qaddarin in aanu wax badan sii wada joogno oo 1984kiiba Kanada ayuu joogay.


Anbo-baxu maanta Axmed Siciid ma ahayn e’ Marwo Hodan oo aan magac iyo martabadba miskiinad ka ahayn ayuu ahaa. Waxay ku hano-qaadday dalkaa Kanada martina kuma ay noqon ee magacyada muuqday ee qaaradaha iskaga tallaabay ayay noqotay. ‘Integration TV’ waa taallooyinka u mudan Hodan kuwooda ugu waaweyn. Hodan waxay ku caan-baxday muuqaalladii iyo sawirradii dhabta ahaa ee ay ka bixin jirtay nolosha dadka Soomaaliyeed ee lidka ku ahaa af-lagaaddooyinkii lala xidhiidhin jiray ee qaraxa, budh-cadnimada iyo dilalka. Sawirro kuwaa ka geddisan oo qurux dad iyo mid deegaan ah ayay faafin jirtay. Qosolka iyo qalbi-samida Soomaalida ayay sawirradeedu u badnaayeen.



U-adeeggeedii bulshada, xidhiidhinteedii, sidii aanay u kala jeclayn dadka Soomaaliyeed, faafintii afka Soomaaliga iyo barashadiisii …… iyo qaar kale oo badan……iyo qaar kale oo badan. Hodan qof la madhiyo waa ay ka badan tahay mana ay dhiman ee waxay ku nooshahay quluubta dadka Soomaaliyeed ee ay hanatay intii ay noolayd. Iyadana naxariistii Janno, innagana Ilaahay ha inaga dhigo kuwa tubteedii sii haya. Aaammiinta igu dara.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...