Xoolaha Somaliland cid kaleba ha diiddee Sucuudiga iyo Imaaraadku ma diidi karaan..W/Q Calimahdi Jibriil

0
Sunday July 14, 2019 - 20:42:24 in Articles by
  • Visits: 1686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoolaha Somaliland cid kaleba ha diiddee Sucuudiga iyo Imaaraadku ma diidi karaan..W/Q Calimahdi Jibriil

    Xoolaha Somaliland cid kaleba ha diiddee Sucuudiga iyo Imaaraadku ma diidi karaan..W/Q Calimahdi Jibriil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoolaha Somaliland cid kaleba ha diiddee Sucuudiga iyo Imaaraadku ma diidi karaan..W/Q Calimahdi Jibriil


Weftigii Dalka Cadaawadda soo jireenka ahi inaga dhaxayso ee Somalia ka socday ee Sucuudiga tagay iskuna dayay in ay Xayiraan Xooleheena oo Markabkii siday Xoolaha Somaliland ee Jidda ku xidhay doonayay in Berbera dib loogu soo celiyo, sida Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Masuul ka tirsani ii sheegay waxa ay ku doodeen in Xoolaha Somaliland ka yimi aan la hubin Caafimaadkooda, ayna soodhoofeen iyagoon warqad caafimaad Somalia ka wadan, Carabtii way xayirtay markabkii waxayna amar ku bixisau in Caafimaadkooda la hubiyo, iyagu (somalia) waxa ay doonayeen in Berbera lagu soo celiyo, lkn nasiib wanaag 30 shaqaale caafimaad ah oo markabka xooluhu saarnaayeen galay waxa ay xaqiijiyeen in ay caafimaad qabaan,



Sidaas ayaana Xayiraadii lagaga qaaday xoolihii, qaybtii labaadna ay berbera todobaadkan uga dhoofaysaa,

Related image

Somalia horaantii bishan waxa ay sucuudiga ku heshiiyeen in xoolaha Soomaalida iyagu ruqsad soo siiyaan, arintaa waxaa meel adag iska taagtay Somaliland ugu danbayna heshiiskaas waa la buriyay oo Somaliland si iskeeda ayaa loogu ogolaaday in ay xooleheeda ku dhoofsato,


Waxaase ayaan darro ah in dadka cadaawadda intaa le'eg inoo qaba ay dalkeena u joogaan ashkhaas marba wax ay u soo dhiibanayaan, oo hadda ku leh Somalia ayaa sii daysay xooleheenii.


Dagaalka Somaliland iyo Somalia ka dhexeeya dowlado baa inoo qaabilsan oo hadii Xukuumadda Madaxweyne Muuse kaga adkaan waydo Somalia arimaha dibadda, cadawgeena la dagaalami maynee Muuse ayaynu ridaynaa, waxaase wax laga xishoodo ah, bal kuwan inaga inagu abtirsanaya ee hadana Masiirkeena ka dhigaya wax muqdisho hoos yaala,

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...