Hodan Naleeye: Taariikhdeedii & Waxyaabaha Soomaalida U Sheegi Jirtay

0
Sunday July 14, 2019 - 15:53:56 in Articles by
  • Visits: 1744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hodan Naleeye: Taariikhdeedii & Waxyaabaha Soomaalida U Sheegi Jirtay

    Hodan Naleeye: Taariikhdeedii & Waxyaabaha Soomaalida U Sheegi Jirtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hodan Naleeye: Taariikhdeedii & Waxyaabaha Soomaalida U Sheegi Jirtay

 


Hodan Naaleeye waxa ay ku dhalatay Soomaaliya sannadkii 1976, qoyskeeda waxa uu ka kooban yahay afar wiil iyo toddobo gabdhood.




Sannadkii 1984-tii ayay iyada iyo qoyskeeda u soo haajireen dalka Kanada, gaar ahaan magaalada Edmonton, Alberta ka hor inta ay usoo wareegin magaalada Toronto sannadkii 1992-dii.


Naaleeye waxay wax barshada dugsiga sare kaga baxaday Machadka West Humber halka heerkeeda koobaad ee Jaamacadda ay ka soo qalin jabisay Jaamacadda Windosor. Waxay sidoo kale shahaado dheeri ah ka qaadatay kuliyadda Saxaafadda.


Hodan Allaha u naxariistee Waxay ifka kaga tagtay laba wiil.


Waxa ay lahayd Khibrad shaqo oo ilaa iyo 13 sanadood ah waxay horay uga soo shaqeeysay telfishan iyo raadiye iyadoona soo saare ka ahayd barnaamijyo dhawr ah oo ka baxay telefishanno kala duwan.


Waxa ay sidoo kale madax ka soo noqotay Ha’yadda Isdhex galka Dhaqamada.


Wariye Maxamed Axmed Ilkacase oo ay Hodan isla soo shaqeeyeen oo BBC-da la hadlayay ayaa sheegay in hodan ay ahayd qof jecel wanaagga.


”Wanaagga iyo shaqada ay hodan Somaaliya u haysay waxaa uu ku dhashay sannadkii 2011-kii kadib markii safar magaalada Nairobi ah u soo raacday u soo raacday Saada Cali Allaha u naxariistee iyadoo tagtay xeryaha qaxootiga ee Dhaadhaab”, ayuu yiri Wariye Maxamed Axmed Ilkacase.


”U jeedkeeda ugu weyn waxa uu ahaa in fikradaha aan wanaagsanayn ee waddamada reer galbeedka ay Soomaliya ka aaminsan yihiin meesha ka saarto oo ay muujiyo wanaagga soomaaliya oo markasta dadka waxa ay u sheegi jirtay in soomaaliya ay mustqabal ifayo leedahay ” ayuu intaasi ku sii daray weriye ilka case.


Inta aysan dhiman ka hor iyada oo ka hadlayeeyso meel xaflad ah ayaa Hodan waxa ka hadhashay waxay jeclaan lahayd in lagu xusuusto,


”Aniga u jeedkeygu ma ahan in aan caan noqdo oo aan lacag sameeyo ee u jeedkaygu wuxuu yahay maxaad ka tageysa markaad dhimato oo ay dadku kuugu xusuusanayaan, marka inshaallah haddii ay dadku igu xusuustaan in aan ahay qof markasta jecel in dadka Soomaaliyeed ay noqdaan dad walaalo ah oo fahmi kara muhiimaadda waddankeena uu leeyahay”,


Hodan waxay ka mid ahayd, dadka naadirka ah ee Soomaalida ah, ee mar walbo dhanka wanaagga wax ka eega, arrintaas oo in badan ay dad badan ka xusuusnaan doonaan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...