Muuse Biixi , Anigga hala igu beegga ''...W/Q Axmed Nuur Guruje

0
Sunday July 14, 2019 - 15:22:09 in Articles by
  • Visits: 1552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi , Anigga hala igu beegga ''...W/Q Axmed Nuur Guruje

    Muuse Biixi , Anigga hala igu beegga ''...W/Q Axmed Nuur Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi , Anigga hala igu beegga ''...W/Q Axmed Nuur Guruje


2001 ayaanu isugu nimi Muuse Biixi urur siyaasadeed la odhan jirey Sahan , ka dibna khilaaf ka dhex dhacay ururka dhexdiisii ayaa keenay in la isku qabsado , sidaana albaabadda looggu xidho .

Muddo markii murankaasi socday , Ururkii waxaa ku guulaystay garabkii Dr Gaboose oo aanu ka mid ahayn taageerayaashiisa , garabkii Muuse Biixi ku jirayna waa lagga adkaaday , Muuse maalintaas wuu iska dhaqaaqay qunyar ayaanu galay Ururkii Kulmiye oo markaa urur ahaa .

Mar kale sanaddii 2007 Muuse wuxuu isu sharaxay Madaxwayne xigeen , muddo markii ololahaasi socday ayaa maalin qaddo looggu sameeyey Gurigii Alla ha u naxariistee Suldaan Barre Warsame Shirre ee Magaaladda Hargaysa , qaddo ka dibna waxaa loo fadhiistay munaaasabadii qadada ee loo balansanaa .

Shirkii meesha joogay oo ahaa odayaashii Kulmiye ee Barigga Hargaysa waxay ku yidhaahdeen Muusoow Madaxwayne xigeenka ma lihide ka hadh , dood dheer ka dibna Muuse wuu yeelay inkastoo ay ku adkayd maadaama aan horre looggu odhanin .

Mar kale Muuse wuxuu la tartamay SIilaanyo 2015 hassa yeeshee waa lagga guulaystay , wadada ayaana laggu riday .

Sidaa markay tahay , Muuse waa nin lala tartami karro , waa nin lagga adkan karro , waa nin lagga guulaysan karro , sidaa darteed , waxaan odhan lahaa , Anigaa Muuse Biixi iska celinayee ha la igu beego .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...