Waa Noocee Xidhiidhka Ka Dhexeeya Somaliland Soomaaliya iyo Dawllada Sucuudiga?

0
Sunday July 14, 2019 - 09:51:06 in Articles by
  • Visits: 2385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Waa Noocee Xidhiidhka Ka Dhexeeya Somaliland Soomaaliya iyo Dawllada Sucuudiga?

    Waa Noocee Xidhiidhka Ka Dhexeeya Somaliland Soomaaliya iyo Dawllada Sucuudiga?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Noocee Xidhiidhka Ka Dhexeeya Somaliland Soomaaliya iyo Dawllada Sucuudiga?


-Mark aynu si dhab ah uga hadalno Soomaaliya iyo Somaliland Waa laba dal oo hore isugu jirrey haseyeeshee, dhibaatooyin badan oo dhacey iyo Dagaallo, Mar kale laba Dal oo kala Madaxbanaan Noqdey, Islamarkaana, Wadahadal Diblamaasiyadeed muddo ka hor Dib U Bilaabay Kuwaas oo Xal lagaga gaadhayay(Soomaaliyadii-Talyaaniga iyo Somaliland oo 1960kii 26kii juun u Xornimada ka Qaadatey ingiriiska si iskeed ahna ugu tagtey 1960kii 1dii july hadana Mar kale ka noqotey, si Iskeeda 1991kii 18kii May).

Inkastoo ay Qabyo Kujirto Taasi haddana Waxa Isweydiin leh Waa Noocee Xidhiidhka u Dhexeeya Somaliland iyo Sucuudigu?.

Marka Xaqiiqda laga hadlayo Habayaraatee, Majirro Xidhiidh Ka Dhexeeya Somaliland iyo Sucuudigu Haddii Laga Taggi Waayo Gudashadda Waajibaadka Xajka ee Cibaadadda ah taas oo Xoolaha Faraha badan ee Loo Raro dalkaasi Xilliga Xajku uu Qeyb ka Yahey Cibaadadda Xajka iyaddoo Dadka Soo Gudanayaana ay ku taggaan Baasaboorka Soomaaliga ah sidaa Daraadeed majirro Xidhiidh Ganacsi oo u Dhexeeya.labada dhinac Waana Sababta ay ugu Fududaatey, in Xoolihii ka Dhoofey Dekedda Berbera uu Dib ugu soo Celiyo Berbera.

Sidaa Daraadeed Waxa Suurtagal ah in Dawllada Sucuudigu ay Wali Maanka ku hayso Hambalyadda ay Soomaaliya ugu Hambalyaynayso Curashadii Kacaankii 21kii Oktoobar,oo Aaney Waxba ka Badelin halkaa ay.kula Xidhiidhysay Dawlladihii hore ee Dalkii.hore la isugu odhan jirey Soomaaliya.

Haddiiba Shacbiga Somaliland ay go?aansadaan in aaney Dawllada Sucuudiga ugu taggin Gudashadda Waajibaadka Xajka ee Cibaadadda ah Miyaanay u Banaanayn in halkan lagaga Aqbalayo qofkii u Niyoodda Marba haddii aanu Sucuudigu ogolayn.

Sikastaba ha noqotee marbaba hadii aanu jirin Xidhiidh Diblamaasiyadeed oo ka Dhexeeya Somaliland iyo Sucuudigu, Dawllada Sucuudigu Ku adkaysanayso in aaney Aqbali Karin Xoolo ka Yimid Somaliland in uu Dalkeeda Soo gallo, Dad ka Yimid Somaliland oo Xaj Gudanayana aaney hore u Aqqoonsaneyn, Xukuumada Somaliland iyo Ganacsatadeeduna ay ku adkeysteen Somaliland oo Shicibku ku Diirsadeen Soona dhaweeyeen kuna hambalyeeyeen, Waxaa Dhici Karta 3500 ilaa 5000 qof Waxaa dhici karta in Cadawnimadda Wasiirka Xamar ay Xajka Tagaan Wixii Baasabooro Wadan Kale haystaa oo Sidaa ay Ku joogsadaan Dadkii Baasaboorka Soomaaliya ku tagayay iyaggoo Dhawraya gooni Isutaagooda Muqadaska ah , Waxeynu Dhawrnaaba Maalmaha Soo Socda iyo Sida Xaalku Noqdo.

Nuur Cabdilaahi Maxamed


Hargeysa Somaliland

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...