Magacyada Shirkado Ku Dhawaaqay Inay Joojiyeen Isticmaalka Diyaarada Boeing 737 Iyo Sababaha Keenay

0
Tuesday March 12, 2019 - 00:19:38 in News by
  • Visits: 2353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada Shirkado Ku Dhawaaqay Inay Joojiyeen Isticmaalka Diyaarada Boeing 737 Iyo Sababaha Keenay

    Magacyada Shirkado Ku Dhawaaqay Inay Joojiyeen Isticmaalka Diyaarada Boeing 737 Iyo Sababaha Keenay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magacyada Shirkado Ku Dhawaaqay Inay Joojiyeen Isticmaalka Diyaarada Boeing 737 Iyo Sababaha Keenay

 

Shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa dejisay dhammaan diyaaradaheeda nooca Boeing 737-Max 8 kadib markii mid ka mid ah oo shalay dhacday ay ku dhinteen 157 qof.




Madaxda shirkadda, Tewolde GebreMariam ayaa sheegay in wax kasta ay sababi karaan in diyaaraddaas ay soo dhacdo.


Waxa uu sheegay in shirkadda diyaraadaha Ethiopian Airlines ay ka mid tahay shirkadaha diyaaradaha ee ugu ammaanka badan caalamka.

Shiinaha ayaa sidoo kale amray shirkadaha diyaaradaha dalkaas inay dejiyaan dhammaan diyaaradaha Boeing 737-Max 8.


Sidoo kale shirkadda diyaaradaha Cayman Airways, oo ka shaqeysa dalalka Kareebiyaanka ayaa dejisay dhammaan diyaaradaheeda nooca 737-Max 8.


Diyaaradda Boeing 737-MAX 8 ayaa sidoo kale ah nooca diyaarad badda Java ee dalka Indonesia ku dhacday bishii October ee 2018, markii ay ka kacday magaalada Jakarta, waxaana ku dhintay 189 qof.



Source:-VOA
Loading...
Loading...