Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Ee Xisbiga Waddani Oo Dib U Helay Xoriyadiisii.

0
Wednesday July 10, 2019 - 13:53:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1973
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Ee Xisbiga Waddani Oo Dib U Helay Xoriyadiisii.

    Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga Waddani Maxamed Sadiiq Dhamme

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga Waddani Maxamed Sadiiq Dhamme

ayaa saaka dib uhelay xoriyadiisii kadib markii xisbigiisu u  iibiyay xadhigii lagu xukumay.


Gudoomiye Maxamed Sadiiq oo la hadlay saxaafada markii lasiidaayay ayaa umahadceliyay xisbiga waddani ee u iibiyay xadhiga, waxaanu sheegay in uu ku soo baxay dadaalkii Xisbiga Waddani " waxaan mahad udirayaa Ummada Somaliland ee xaqa baal taagnayd, ee xaqdaradana ka dhiidhiday, xadhigu markuu xaqdaro yahay ma aha wax dhiba qofka, mana aha wax kugu samaynaya niyad jab, waxaanad dareemaysaa kalsooni iyo karti kaloo dheeraada”  ayuu yidhi 



Gudoomiye dhamme ayaa sheegay in uu xukuumada udirayo fariin " Xadhigiina waanu u adkaysanaynaa idinkuna xoriyad hadalkayaga iyo inaanu soo bandhigno dhaliilihiina, galdaloolooyinkiina xamil iyo adayg uyeesha” ayuu yidhi.


Garsoorayaashii udoodayay gudoomiye Dhamme ayaa sheegay in marka horaba xadhiga lagu xukumay gudoomiye dhamme uu ahaa  mid aan waafaqsanayn sharciga dalka.

Maxkamada ayaa hore ugu xukuntay gudoomiye Dhamme lixbilood oo xadhig ah.

 

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.

 

Loading...
Loading...