Qaramada Midoobay Oo Shaacisay Tirada Shaqaale Kaga Dhintay Diyaaradii Burburtay Ee Ethiopian Airline.

0
Monday March 11, 2019 - 17:28:22 in News by
  • Visits: 1931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo Shaacisay Tirada Shaqaale Kaga Dhintay Diyaaradii Burburtay Ee Ethiopian Airline.

    Qaramada midoobay ayaa sheegtay in shaqaale gaadhaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in shaqaale gaadhaya

Muqdisho(HWN):-Qaramada midoobay ayaa shaacisay tirada shaqaale kaga dhintay diyaaradii Ethiopian Airline ee ku burburtay wadanka Itoobiya.


Qaramada midoobay ayaa sheegtay in shaqaale gaadhaya 19 qof ay ku dhinteen duulimaadkii diyaarada Ethiopian Airline ee ku socotay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Warka ayaa lagu sheegay in hay’adda cunada aduunka ee WFP ay shilkaas diyaaradeed kaga dhinteen shaqaale 7 qof ah, halka hay’adda qaxoontiga ee UNHCR ay kaga dhinteen laba shaqaale ah iyada oo ururka caalamiga ah ee isgaadhsiinta ay kaga dhinteen shaqaale ka hawl galayey.

Sidoo kale warka ayaa intas raaciyey in hay’addaha FOA, IOM Iyo UNSOM ay shilkaas diyaaradeed kaga dhinteen min hal qof oo u shaqaynayey, halka xafiiska Nairobi ee qaramada midoobay ay kaga dhinteen 6 qof.

Shilka diyaaradeed ee ka dhacay wadanka Itoobiya ayaa sababay dhimashada dad ka soo kala jeeday wadamo gaadhaya 35 iyada oo guud ahaanba shaqaalihii iyo rakaabkii saarnaa diyaaradaasi ay ku geeriyoodeen.


Loading...
Loading...