Madaxtooyada Oo War Ka Soo Saartay Aqoonsi Ay Somaliland Ka Heshay Magaalada 2aad Ee Ugu Weyn Ingiriiska Ee Birmingham

0
Tuesday July 09, 2019 - 21:43:02 in News by
  • Visits: 4355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyada Oo War Ka Soo Saartay Aqoonsi Ay Somaliland Ka Heshay Magaalada 2aad Ee Ugu Weyn Ingiriiska Ee Birmingham

    Madaxtooyada Oo War Ka Soo Saartay Aqoonsi Ay Somaliland Ka Heshay Magaalada 2aad Ee Ugu Weyn Ingiriiska Ee Birmingham

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxtooyada Oo War Ka Soo Saartay Aqoonsi Ay Somaliland Ka Heshay Magaalada 2aad Ee Ugu Weyn Ingiriiska Ee Birmingham


Hargeysa(HWN):-Madaxtooyada ayaa war ka soo saartay aqoonsi ay somaliland ka heshay magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ingiriiska ee Birmingham.


war saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha somaliland uu golaha deegaanka ee Birmingham uu uga mahadceliyey aqoonsiga ay siiyeen somaliland.

Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor


warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaa u dhignaa sidan:-


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Hambalyo Iyo Mahadnaq U Diray Golaha Deegaanka Ee Birmingham Oo 08-07-2019 Ku Dhawaaqay Inay Aqoonsadeen Somaliland.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Xukuumadda iyo magaca ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu halkan hambalyo iyo mahadnaq uga dirayaa Golaha Deegaanka Birmingham iyo guud ahaanba shacabka ku nool oo 08-07-2019, ku dhawaaqay inay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dal madax-bannaan.

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing and suit
Image may contain: 1 person

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu mar labaad ku hambalyeynayaa kuna bogaadinayaa golaha deegaanka magaalada labaad ee ugu dadka badan dalka Ingiriiska tallaabadii ku dhaca iyo geesinamada lahayd ee ay qaadeen shalay oo Isniin ahayd, kuna aqoonsadeen Qarannimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.


Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Degmada Birmingham waxay muujiyeen garasho feyow iyo dareen bini-aadannimo oo aad u qiimo badan, kasoo ku dhiirri geliyey inay gar-waaqsadaan ahmiyadda weyn ee uu dalka Jamhuuriyadda Somaliland u qabo in la aqoonsado iyo xaqa ay ummaddayadu u leeyihiin inay Beesha Caalamka ka helaan ictiraaf buuxa. Sidoo kale shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxay u mahadnaqayaan cidkasta oo isu xilsaartay qadiyadda Somaliland islana garabtaagtay tallo iyo taageero lagu raadinayo aqoonsiga dalkan iyadoo mudooyinkii u danbeeyey golayaasha deegaanka ee ingiriisku ku dhawaaqayeen ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland.

Image may contain: 9 people, people smiling, people standing and suit


Waxaana hore ugu dhawaaqay aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland golayaasha Deegaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Tower Hamlets, shalayna ay ku soo biirtay Birmingham, taasina waxay ka turjumaysaa tallaabooyinka geesinimada leh ee ay qaadeen magaalooyinkaasi, kuwaas oo mudan inay beesha caalamku kaga dayato.



Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu beesha caalamka ka codsanayaa inay xaqiiqsadaan horumarka ay ku tallaabsadeen shacbiga iyo xukuumadda Somaliland mudada 28ka Sanno ah ee ay ku buuxiyeen dhammaan shuruudihii dalnimo iyo dawlad madax-bannaan oo ay u dhanyihiin haykalkii dawladnimo.


ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Loading...
Loading...