Safiirka Ingiriiska Ee USA Oo Dawlada Madaxweyne Donald Trump Ku Tilmaamay Xukuumad Dib U Socod

0
Sunday July 07, 2019 - 13:19:49 in News by
  • Visits: 2034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Ingiriiska Ee USA Oo Dawlada Madaxweyne Donald Trump Ku Tilmaamay Xukuumad Dib U Socod

    Safiirka Ingiriiska Ee USA Oo Dawlada Madaxweyne Donald Trump Ku Tilmaamay Xukuumad Dib U Socod

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Ingiriiska Ee USA Oo Dawlada Madaxweyne Donald Trump Ku Tilmaamay Xukuumad Dib U Socod

farriimo dhanka email-ka la isku waydaarsaday oo laga soo dusiyay safiirka Britain u fadhiya Mareykanka ayaa waxa ay Maamulka madaxweyne Trump ku tilmaamayaan maamul ''dib usocod ah'' oo aan ''shaqadiisa garanayn''.

Donald Trump

Macluumaadkaasi dhanka Email-ka ah yaa waxa ay dhaleeceynayaan Aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo.

Safiir Kim Darroch ayaa sheegay in Aqalka Cad ee Mareykanaka ay kala qeeyb sanaan baahsan ka jirtay intii uu Maamulka Trump la wareegay.

Balse waxa uu sidoo kale ka digay ''qiima dhac ku yimaada sharafta Madaxweynaha Mareykanka''.

Xafiiska wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sheegay in warqadda dhanka email-ka ah ee la soo dusiyay ay jahwareer badan sababtay balse ma aysan dafirin Saxnimadeeda.

Aqalka cad ayaa ilaa haatan wax jawaab ah ka bixin macuuumaadkan la soo dusiyay balse arrintan ayaa tijaabo u ah xiriirka gaarka ah ee la sheego in uu dhaxeeya Mareykanka iyo UK.

Farriimaha ayaa Kim waxa uu ku sheegay: ''Xaqiiqatan marnaba ma aaminayno maamulkan oo waxa ay keeneen dib u dhac, shaqadoodii way gabeen, xirriirkooda diblomaasiyadeedna ma wanaagsana''

Waxa uu su'aal geliyay in "Aqalka Cad uu kartidii iyo awooddii hore sii lahaan doono."

arriin ka mid ah farriimaha la soo dusiyay ayaa waxaa ku qornaa in siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan Iran ay tahay ''mid aan caqliyad ku salaysnayn, oo jah wareer ah''

''Madaxweyne Trump si aan gabasha lahayn ayuu uu sheegay in diyaarad uu ku weerarayo Iran, taas oo dhibaato u geeysan karta in ka badan 150 qof, marka madaxweyne Trump looma baahna in uu Mareykanka u hor seedo khilaaf dhanka dibedda ah'', ayuu yiri Kim.

Kim ayaa yiri, '' Waxay u badan tahay in siyaasadda Mareykanka ee Iran in si caqliyad ah loo wajihi waayo sababtoo ah maamulkan waa uu kala qeybsan yahay".

Macuumaadka la soo dusiyay ayaa waxay taariikh-dooda sheegaysaa laga soo bilaabo 2017-kii ilaa haatan la joogo.

Farrimaha ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa qiimeeyn ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya ololihii doorashada ee madaxweyne Trump iyo Ruushka.

Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...