Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Dadki Lagu Laayay Gaalkacyo
Dadka la dilay ayaa la sheegay in lagala baxay guryahooda, kaddibna la isugu geeyay duleedka magaalada halkaas oo lagu laayay. Afar ka mida ayaa la sheegay in ay ahaayeen hal qoys.
Wariyaheenna Gaalkacyo ayaa kusoo warramaya inaanan wali lasoo qaban dadki falkaasi ka danbeeyay.
Wasiirka warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dowladda aad uga xuntahay falkaasi gurracan isla markaana ay cambaareyneyso ciddii ka danbeysay.
Dilka sagaalka qof iyo dhaawaca labada kale ayaa yimid waxyar kaddib,
marki gudaha magaalada Gaalkacyo ay rag bistoolado ku hubeysan ku
dileen Cali Tahlil Cadceed oo ahaa taliye ka tirsanaa ciidanka
nabadsugidda Galmudug.
Dilka ragaasi lagu laayay Gaalkacyo, ayaa waxaa sidoo kale cambaareeyay Madaxweynaha Maamul-Goboleedyada Koofur Galbeed, madaxweynihi hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud, Siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.