Somaliland Jawharad Ka Dhex Dhalaalasa Geeskaafrika

0
Saturday March 09, 2019 - 10:08:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Jawharad Ka Dhex Dhalaalasa Geeskaafrika

    Alle waxa ugu weyn oo ummad uu ku manaystaa waa amaan, amaanku waa shayka ugu weyn ee uu bixiyo qaadirka raxmaanku.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alle waxa ugu weyn oo ummad uu ku manaystaa waa amaan, amaanku waa shayka ugu weyn ee uu bixiyo qaadirka raxmaanku.
Marka aad suuqa marto oo aad indhaha la raacraacdo waxay dhaayahaagu qabanayaan lacago sarifa oo iska tuulan badhtamaha Faras magaalaha suuqa , taas oo caddayn u ah amaanku inuu yahay 100%.

Somaliland mudo toddobiyo labaatan sanno ayay soo dadaalaysay , taas oo laodhan karo waxay xAqiijay wax badan oo guulla ah,

Waxay gashay doorashooyin one vote one man ah , taas oo lagu kala calaf qaatay, waxay dunidii u muujisay siday ugu bislaatay dumuqraadiyada iyo xaqiijinta hanaanka geedi socodka ah.


Waxay somaliland dadkA barta habka wada tashida isku tudhka iyo meel u wada jeedsashada iyo danaynta danta guud.

Waxay ahayd xilli ay wada tartamayeen xisbiyadii qaranku ee lakala dhihi jirey xisbigii balAadhnaa ee udub, kulmiye iyo ucid, waxa guushu raacday udubtii iyadoo ka guulaystay kulmiyihii, shantii sanno ku xigtay waxa guushii hantiyay kulmiye.

Waxay ahayd xilli ay wada tartameen xisbigii dhalinta yaraa ee waddani, iyo kulmiyihii guunka ahaa iyo xisbigii lagA guulaysan jirey had iyo jeer ee ucid waxay guushu raacday kulmiye.

Somaliland oo ah meel mucjiso ah, waxaan ku boorin lahaa inay dadaalaan oo ay u samraan aqoonsiga isla markaSina wax qabsadaan.

Madaxweynahah hadda haysta oo ah madaxweyne soo jeeda , isla markaasina heegan ah waxaan u rejaynahaa inuu wadooyinka ku dadaalo, inuu musaqa la dagaalamo, inuu keeno fikrado wax ku oola isagoo ku amaanan shaqo qarantuu hirgaliyay.

Waxaan caalamka u sheegayaa inay somaliland jawharad ka iftiimisa bariga afrika
Hamse riiraash

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...