Belweynta Garxajis Uk Oo Baaq Cambareyn Ah Diray

0
Saturday March 09, 2019 - 09:42:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Belweynta Garxajis Uk Oo Baaq Cambareyn Ah Diray

    Waxaa shalay ka dhacday garsoorka Somaliland xaajo ugub ah oo sharciyada Islaamka iyo ta Gaaladaba ku cusub. Taas oo lagu xukumay dulmi laba nin oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa shalay ka dhacday garsoorka Somaliland xaajo ugub ah oo sharciyada Islaamka iyo ta Gaaladaba ku cusub. Taas oo lagu xukumay dulmi laba nin oo

 isku reer ah oo wax dambi ah oo ay gaysteen jirin. Labadaa nin oo la kala yidhaa; Abwaan Bashe Hassan iyo Macalin Abdilqadir Nour, wuxuu cadeeyay qareenkii u hadlaayay in maxkamaddu hore dambi ugu wayday oo la sii daayay. Hadana mar labaad la soo qabtay oo la xidhay. Waxay hore u xidhnaayeen muddo sagaal bilood ah. Shalayna maxkamaddu waxay ku xukuntay midkiiba 8 sannadood oo xadhig ciqaabeed ah iyo $625,000.00. Waa xaajo dadkii ka fajicisay oo aan hore loo arag. Xukuumadii Kali taliska ahayd ee Mohamed Siyaad Barre ee xadhiga, cagajuglaynta, iyo xoritul qawlka la dagaalamaysay oo kale ayay maanta xukuumadeenii cagta saartay. Waxay is leeyihiin dadka ku cabsi galiya, laakiin dadka way kicinayaan. Mar haday dadku kacaana cid joojin doonta la arki maayo. In badan ayaanu ka dignay in sharci darrada iyo cagajuglaynta laga daayo dadka oo aan cid gaar ah la bar tilmaameedsan. War ragow kibirka waa lagu kufaa taa ha la ogaado. Kumanaan Caare ayaa soo bixi doona hadii la joojin waayo sharci darrada. Ma waydiisan doono in la soo daayo, laakiin Muse diiriyow dadka diiri oo kici.



Waxaanu cambaaraynaynaa annaga oo ah Garxajiska degan dalka Ingiriiska, xadhigaa sharci darada iyo kibirka ah ee lagu xukumay Abwaan Bashe iyo Macalin Abdilqadir.


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...