BBC-Soomaali: Af-Xumadii Dhaqan Xumay Ku Darsatay W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
Thursday June 13, 2019 - 10:16:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BBC-Soomaali: Af-Xumadii Dhaqan Xumay Ku Darsatay W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Sannadkii hore dabayaaqadisii ayaa magaalada Nayroobi ee caasimada Kiiniya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sannadkii hore dabayaaqadisii ayaa magaalada Nayroobi ee caasimada Kiiniya

waxa lagu qabtay xafladda furitaanka xafiiska idaacadda laanta Af-soomaaliga. Waxa xafladda ka soo qaybgalay madaxda BBC-da qaybta afrika la hadasha iyo marti sharaf badan oo lagu casuumay. Dadyow Af-soomaaliga ku hadla ee ku dhaqan geeska afrika ayaa si weyn ula socday waxa ay keeni doonto maadaada oo idaacaddii loo soo raray bariga afrika oo loo soo dhaweeyey. Madaxa cusub ee laanta Af-soomaaliga Cabdilaahi C/risaaq oo ah nin ka soo jeeda Soomaalida Kiiniya, ayaa ka hadlay idaacadda la soo raray iyo waxa ay ka filayaan dhegaystayaashu. " waxa aanu beddelaynaa dhaqankii hore ee idaacadu lahayd ee ahayd in dagaal iyo colaad uun la baahiyo”, ayuu ku tiraabay,isaga oo ku hadlaya Af-soomaali aan isku toosnayn oo ay inta badan ku hadlaan soomaalida Kiiniya.



Suxufiga Xuseen Maxamed muuqaal uu daadihinaayey ayey idaacadu soo gelisay YOUTUBE. Wuxuu suxufigu makarafoonka la dhexqaaday dadkii xafladda ku sugnaa oo ay ku jiraan weriyeyaasha idaacadu. Mid kastaa markuu lix eray oo soomaali ah ku hadlo ka toddobaad waa af-ingiriisi, mana hayo eray Af-soomaali ah oo uu ku beddelo. Sida ka muuqata hadalkooda intooda badani waa dad ku dhashay Kiiniya iyo meelo kale oo aan waxba ka garanayn dhaqanka Islaamka iyo kan Soomaalida ee suuban.


Waxa la yidhi Sayidku markii uu talaxgabay ee talo u run sheegtay ee uu dhul-yaal noqday, ayuu dadkii ka ag-dhawaa u yeedhay oo ku yidhi ii keena dhagax. Waa loo keenay, markaasuu ku yidhi” waar gaalo xagay iga xigtaa, markaa loo tilmaamay halkay ka xigtay. Markaasuu dhagaxii ku tuuray halkii oo uu yidhi Ilaahay jihaad waa iga intaa”. Sidaasi oo kale suxufiyiinta BBC-da laanta Af-soomaaliga waa ka intaasi Af-soomaaliga ay ku hadlayaan. Niyad jabka ay dhegaystayaashii idaacadda ee Soomaalilaan ka dhaqnaa wuxuu gaadhay inay dadka qaarkii codsadaan in laga bakhtiiyo markay idaacaddu soo gasho ee ay kala fahmi waayaan waxa ay tebinayaan suxufiyiintu. "waar naga bakhtii Oromadii Af-soomaaliga baratay ayey noo shaqaalaysiiyeene” sidaasi waxa ku tiraabtay islaan joogtay goob aan ku sugnaa oo idaacadu ka baxaysay.


Qoraallada Dhaqanka iyo Diinta ka fog ee ay ku baahiyaan bogooda Internet-ka

= Xildhibaan Mareykan ah ayaa la xiray ka dib markiiuu garaacayxaaskiisaoo uu damcayinuu u galmoodo, lanadaahdayinay dharkaiskasiibto.

= Tifaftiraha BBC-da oo sheegay in Hilibka jiirku u dhadhamo siddadigaaga. 
( markii
lagafal-celiyeywaxauu sheegay in lalaqabsandoonoqaabkacusub ).

= Ey caafimaad qaba oo lala duugay(aasay) qofkii lahaa oo dhintay. Maxay kula tahay?

= Nin gabadh u dhalatay 7 sano ka dib markii uu dhintay.

= Naag shahwad soo iibsatay oo doonaysa in lagu tallaalo

= Waxyaabahan haddii aad samaysid aanad hore u dhimanayn

= Noocyada kufsiga iyo galmada ee dalka Hindiya oo soo badanaya

= Wadaaddada ugu kufsiga badan dalka Hindiya

= Wiilal kooxo ah oo mid mid dharka u dhiganaya si ay gabadh u kufsadaan

= Muuqaal la baahiyey oo muujinaaya gabadh la kufsaday oo laga dhammaystay oo codsanaysa in la sii daayo.


Maadaama oo aanay suxufiyiintani waxba ka aqoon dhaqanka Soomaalida oo ay yihiin Saxawaali-la-koreen, waxa ay toos u turjumaan wax kasta oo ka baxa ama ay baahiso idaacadda BBC-da adduunka la hadashaa. Waxa ay kala saari kari la’yihiin warbixinnaha mudan in loo baahiyo Soomaalida iyo kuwa aan mudnayn dhaqan ahaan. Waxbixinaha ay baahiso idaacadda BBC-da adduunka la hadasha, laan kasta oo hoos tagtaa waxa ay ka qaadataa oo ay baahisaa wixii dhaqankeeda iyo diinteeda u wanaagsan. Waxa la yidhi” Meyd waxa u dambeeyey kaa la sii sido”, 9/6/2019 waxa ay Shabakadooda BBC-Somali.com soo geliyeen weedhan ‘Tilifoon lagala hadlayo dadkii dhintay’. Waxa micno ku jira weedhan aan u cuntamin in loo baahiyo bulshada Islaamka ah. Haa micno way u samaynaysaa kuwa dhaqankan sameeya ee aan Islaamka ahayn, laakiin maxaa loogu sheegayaa bulshada Soomaalida oo aanay wax micno ah u samaynayn.


Dhammaan hadalladaasi iyo kuwa kale oo badan oo lagu faafiyey shabakada BBC-Somali.com/Facebook, waxa ay muujinayaan in aanay suxufiyiinta idaacaddu waxba ka qoon dhaqaka Soomaalida iyo diinta Islaamka. Ilaa hadda lama garanayo faa’iidada ugu jirta dadyowga Af-soomaaliga ku hadla ee ku dhaqan geeska afrika soo bandhigida qoraalladaasi ka horimaya dhaqanka Islaamka iyo dhaqanka toosan ee Soomaalida.


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...