Qaabaynta Siyaasada Arimaha Dibada (Formulating Foreign Policy)
Siyaasada arimaha dibada waxaa layidhaahdaa amaba lagu qeexaa xidhiidhka iyo arimaha kaala dhaxeeya dal kale amaba aduunkaba ,waxayna xooga sartaa dahanha dalku leeyaahay iyo qorshaha uu dalku ka leeyahay ilaalinta danahiisa gaarkaa. Iyo hadafka lagu gaadhayo xidhiidhka caalamigaa (intranational relations)
Siyaasada arimaha dibadu waxay aad u soo shaacbaxday kadib heshiiskii (Westphalia ) ee dhamaadkii dagaalkii kowaad ee aduunka iyo kii labaad, taas oo nidaamka isku xidhka caalmku sameeyey horumar (development ) kaas oo uu sare u kacay iskuxidhka iyo isdhexgalka umadaha caalamka (nation states )
Aasaasidii UNka iyo tirtiridii gumaysaga iyo xoroobidii umado badani ka xoroobeen gumaystayaashii iyo abuurmidii xuduudaha iyo xasaanadaha (sovereign ) ayaa siisay awood caalaamka amaba umadaha is in ay is dhexgal ( interrelationships) uuna abuurmo wax iswaydaarsi
Dal aan lahay siyaasad arimodibadeedna waxaa la odhan karaa "waa markab dhex socda badwayn jiheeye la aan’ siyaasada dibadauna waxay dalalka ku hogaamisaa in ay danahooda ka raadsadaan dalal kale iyo goob wanaagsan
Siyaasada arimaha dibada waxaa kale oo la odhan karaa " waa dhaqdhaqaaq isku xidhan oo raad kuleh umadaha (communities ) kaas oo lagu bedelo dabeecadha (behavior ) dalall kale ,waxaa kale oo la odhan karaa waa " siyaasad u jeedadeedu tahay in la bedelo dabeecadaha (behavior ) iyo jiritaanada dalalkale”
Tusaale ahaan .dalka layidhaahdo Gambia waxuu go aan ku gaadhay in ay xidhiidhka dublamaasiyadeed u jrto Taiwan , tiiyoo mudo badaan lahayd xidhiidh , hadan waxay qaadatay in ay calaaqaadkaas joojiso iyadoo eegaysa (national interest ) waayo Gambia waxay bedeshay calaaqaadkaas ,sabtoo ah waxay eegtay xidhiidhkii ay lahayd shiinaha (China) sidaas darted siyaasad arimaha dibadu waxay joogtaysaa xidhiidhada iyo calaaqaadka umadah amaba bedeshaa,
Sikastaba ha ahaatee , siyaasada arimha dibadu waxay ka kooban tahay go aan ,iyo ficil , taas oo raad ku leh xidhiidhka uu dal laleeyhay dal kale, waxaa kale oo siyaada dibadu raad ku leedahay ficilada ka dhaca xuduudaha dalalka caalamka, badanaana arimaha dibadu waxay ku tacluqdaa waxii didaba ka aha dalalka, waxaa kale oo la odhan karaa arimaha dibada " waa siyaasad lagu gaadho hadafka laguna xaqiijiyo (goals) aanad ku cadaadisid si aad u heshid danahaaga,(interest)
Hadaba si aynu u ogaano jilayaasha (actors ) iyo kooxah caalamigaa ( intranational groups) iyo jilayaasha caalamigaaba (intranational actors ) waa in aynu tixgalinaa sadexdan waxayaabood ee kala ha
·
END (meel ay ku dhamaafo ,oo aha aragti kusalaysan (vision ) natiijada iyo danaha aad ka leedahay dalka kale iyo jilayaasha (actors )
·
Way ( jid loo maro amaba dariiq loo raaco oo ah siyaasad (strategies ) iyo fikrado (ideas) ku xidhan farsamo dublamaasiyadeed ( diplomatic tactics) iyo qasbid (coercion ) iyo dabgal danahaaga gaarkaa
· Means ( waa in uu dalku leeyhay waxyaabo muhiim iaha arimahiisa dibada sida ,dhaqaalaha (economic) iyo military )
Idaas darted siyaasada arimaha dibadu waxay saamayn ku leedahay siyaasada caalamigaa ,(international ) mid gudhaa (domestic politics ) kuwaas oo midiba mida kale ku xidhan tahay amaba ku tiirsantahay ( interdependent ) oo midiba mida kale ku fatahdo.
Sidaas darted ingoo mid mid ukala qaadi doona ,domastic iyo foreign policy , Lasaco usbuuca danbe,
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!