Hadal-Haynta Maalmahan ! Handaraabku Ma Saameeyey Xilka Degihiixurmeysnaa, Xil-Sugihii Xamuurnaa Iyo Jinni Boqoradii ?

0
Wednesday June 12, 2019 - 10:51:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadal-Haynta Maalmahan ! Handaraabku Ma Saameeyey Xilka Degihiixurmeysnaa, Xil-Sugihii Xamuurnaa Iyo Jinni Boqoradii ?

    qalinkii A/rahmanfidhinle UK

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

qalinkii A/rahmanfidhinle UK
Dhaqanadii mugdiga huwanaa ee ay adeegsan jirtay xukuumadii galbatay ee Kulmiye waxay burburisay hanaankii iyo haykalkii dawladnimo,Waxaana ay mujtamaca reer Somaliland ka dhaxleen nidaamkaa musuqa badnaa ee dalka lagu boobay erayo madhan oo aan mariibneyn oo aan macne badan laheyn kuwaas oo maaxdumiyey milgihii iyo magacsamaantii dawladnimo. Waxaa erayadaasi baabiiyeen dhaqankeenii, diinteenii iyo hidaheenii suubanaa. Waxay erayadani god madow ku rideen curfigii iyo dhaqankii qaranimo,waxaana ay erayadani magac iyo maamuus u yeeleen shaqsiyaad aan qarankanu dheelman,u dhaamin , una dhurin , waxaan ka mid ah erayadaa kuwan hoose:



1- Xil-ka dege xurmaysan- Waa shaqsi la casilay oo hadana shakaalan kaas oo sife siyaasadeysan looga xanibay in uu hankiisa muujiyo oo xisbiyada kale ku biiro amaba fikirkiisa u holado oo xor u ahaado.Marna maaha sunaha dawladnimo iyo hab-dhaqan maamul in masuul xilkiisii ka soo bixi waayey oo shaqadii laga fadhiisiyey in hadanala sii guneeyooo lasii faruur xidho si kooraan beeleedka loogu buuxsado oo uu xayndaabka madaxtooyada u siimayracdo laguna sii masruufo cashuurtii yareyd ee ummadda baahan wax loogu qaban lahaa. SaaxiibkayRaage Kuy'e "Waxaan la yaabay sababta shaqsi guul daro laf jebisay ay qoobabka uga sii xidhayaan ee ay ugu diidayaan in uuisaga daaq tago"! Waxaa la soo weriyey in handaraabkii saameyey oo ay qaar badani luqunta la noqdeen markii laga maarmay.


2- Xil-Suge Xamuuran :" Waar Ileen cibaaro waa cabdoo kale eh" Xil-sugahani waa bararafle sida xaydho weyntu dabka ugu meeraysato madaxda dawlada ugu meeraysta. Waa been liqsiiye, dhegta wax usaar, ku tise ah. marka uu madaxtooyada galo waxaa loo yaqaanaaka qosliye kambal daaq ah.Wuxuu adoonkani aaminsan yahayin aqoonta wax lagu dhaco oo lagu boobo ,wuxuu aamin san yahay jeegaanta iyo jifooyinkais xulafeystay.Wuxuu ku caan baxayxanshashaqa iyo xabkaysi, waxaanauu ubiyeystaa guulwadeynaan gabasho iyo garaad badan ku fadhiyin. Taloow xukuumada Kulmiye Xilsugahan xamuuran ma ka maarmi kartaa ?Aboowe....... idinka lee waaye !

3-Xildhibaan boqran: Waa mooshin quute dhaameelyahan indho yuub ah, kaas oo ah xil ma dhaadxilkii loo dhaariyey aan isku xeerin oo aan isku xakameynlaakiin xaalkiisu uu noqday hanti urursi iyo hunguri dhaqaale, kaa soo ku caan ah in uu isaga dab-qaado mooshinadagoleyaashasharci dejinta iyoxayndaabka madaxtooyada si uu dha-dhamo kasta uu dheecaan yar usiisto. inta uumar mar yara selelo habeenkiioo uu il isku qabto ayuu sanqadha Zaadka dhegaystaa. Waxaa la soo weriyey in ay ku qadeen xukuumadan hada talada haysa, waxaan ku leeyahay Xildhibaankaas" Ha salaaxin Naas gudhan ninkii Gudhiyey baad tahaye ... ".

4-Jini Boqor- isku sheega maal-gashade : Hada waa keligii noole " Empathy ah " wuxuu u tafo xaytay sife kasta oo uuhantida maguuraanka ah ee ummadda baahan uu u boobi lahaa , wuxuu aad u yaqaanaa surimada looga arooro madaxtooyada,wuxuu caweyskii gucleeyaa ooisha mariyaa surimada banaan ee wadooyinka iyo wajahadaha Guryaha dawlada, kama fekero cida markaa goobtaa hungurigu ka galaydegan , dana kama galo danta guud ee loo isticmaalo goobtaa uu calmaday ee uu cumaamada dhigtay, isaga waxaa u cad in uu ku macaasho kana macaashooo uu raamsado. Kaas oo ku hadaaqa waxaan ahay Maalgashade ! "Doobir baa lagaa yidhi ! Kuwan weli handaraabku muu buu saameyn, laakiin waxay bilaabeen in ay xafladaha iyo khashaafadaha ka yara muquurtaan.


5- Xigto Maal. magacan looguma wanqalin ee waa loo qariyaa, Sidaad ogtihiinba waxay Xukuumadii hore ee Deman la kowsatayin ay iskukhalado qoysnimada iyo qaranimada Somalilaan taas oo indhaha shacabku wada arkeen fashilaada qaawan ee dul hoganaysa xayndaabkii madaxtooyada ay ka talin jireeniyada oo la wada daalacday shaqsiyaad dhowr ah oo tuuro iyo tarbiicooyin yar yarisu yeelaaya, kuwaas oo ku xagafsaday magaca iyo milgaha dawladnimo, waxaana ay ka jilaaban jireen oo dabino daadsan jireengoobaha dalka ugu muhiimsan sida mashaariicda Hayaduhu bixiyaan iyo Dekeda Berbera. Talow kuwan handaraabkii ma saameeyey ? Mise weli xaalkoodu waa aan ka fudee ....Allow fii haa... Allow fii haa... !

6- Laqeybsade : Waa af-lameer dibno leef ah , Waxaa xukuumadii hore ee Kulmiyebadka soo dhigtay in Hantidii guurtada iyo maguuraanka aheyd ee qaranka si dadban oo musuq ah loogu qaybsado sifeyaal gacan wadaag ah oo qusum iyo qoon ah iyada la isticmaalayo shaqsiyaad darban oo dalabka ku shaqeeya, qaar dhabarka la soo taabtay iyo shirkado sameys ah oodhawaan dhalad ahsi loo biyo dhiijiyoloona xaalufiyo oo sheerer weligood Jiraloogu galojohoradii ummaddu wada lahayd. Kuwan weli handaraabku muu saameyn waxaanalagu dabo jiraamashaariicda la siiyey ee aan la naadin loona tartamin intii madaxweyne MBA uu madaxweynaha ka ahaa JSL.

7- Ku-qabsade : Waa haanraawe himiladiisa iyo hankiisuba yahay maalin raamsi,Maadaama aan dhamaan hatidii maguuraanka aheyd ee la wareejiyey aan xeerar dastuuri ahlagu wareejin, tartan qandaraasna aan la marin ee lagu wareejiyey shirkado macaash doon ah iyo shaqsiyaadmaquuno doon ah. Ku-qabsade waa sal-madhige goob kasta oo hanti dawladeed lagu wareejinaayo daaha dabadiisa ka soo galaoo noqda Ku-qabsadeLa qaybsaday, wuxuuku xeebo-cadeeyeymusuq maasuqa biyo dhiiijiyey hantidii ummaddu wada laheyd.Waxaa la soo weriyey in ku Qabsade uu handaraabku saameeyey oo uu ku qaday xukuumada muse, Waxaana uu hada ka xanaaqaa heestii uu ku jiboon jiray ee uu madaxa u ruxi jirey ee aheyd .Dalkeena ... DalkeenaNimcaa.... fadhida ....Dalkeena .... nimcaa fadhida....!
.

8- Weji-Kumacaash- Waa Awr kiraale ay masuuliyiintii xukuumadii hore ee Kulmiye abaabuli jireen marka ay duufaanadu ku kacaan , kuwaas oo hadalo iyo hawraaro deyro iyo quus hagoogan kaga hugmi jiray oo kaga hadaaqi jirey mikirifoonada warbaahinta la iska maqlo iyo kuwa layska arkaba. Waxaa laga dhawaajiyey in kuwan qaar ka mid ahi ay Salaadiin iyo Boqoro sheeg taan ku waas oo badankoodii hada laga maarmay oo uu si xun u saameeyey Handaraabkii waxaana qaarkood Maanta soo kada loobsadeen baraha bulshada oo Face-boog ugu horeeyo. qaarna shirbeeleedyo ay dha-dhamo ku raadinayaan ayey utafo xayteen...Dab liqa ayaa laydinka yidhi !!
.

Waxaan la yaabay Nidaamkii Noocaas ahaa ee Magacyada iyo Naaneysaha badan la baxay waxa loo ridi waayey ee madanaha loogu cadeyn waayey ee dabka loogu gelin waayey maantana wuxuu xaalkuku soo ururay" DemmanHayska hurudee...... Docda Bari ka laba gura.... ""

Afeef : "Qormadani waa aniga rayigayga shaqsiga ah , Waana laygu diidi karaa, Lagana doodi karaa, layguna garaabi karaa."
Alleh ayaa Mahad Leh,

Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...