Sirta Ka Danbaysa Warbaahinta. War Oo Dhami Run Maha W/Q/Rashiid Odowaa

0
Wednesday June 12, 2019 - 10:42:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1097
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirta Ka Danbaysa Warbaahinta. War Oo Dhami Run Maha W/Q/Rashiid Odowaa

    War waxa lagu macneeyaa markaynu ku qorayno afka qalaad waa sidan (News=what's New)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War waxa lagu macneeyaa markaynu ku qorayno afka qalaad waa sidan (News=what's New)

war macnihiisu waa maxaa Cusub,ama ha noqoto arriin xiligaas taagan wixii ka soo cusboonaaday ama ha noqoto waxa Cusub oo soo kordhay,Somalidu marka ay kulmaan waxay is waydiin jireen bacda salaam guud ka dib maxaa soo kordhay? Maxaa Cusub?Nabad ma jirtaa?,Somalidu waxay ku maah maahi jireen "War la helo ayaa talo la helaa”ama”War ayaa u gaajo kulul” halkan waxad ka fahmaysaa inuu yahay warku waxa lagu go’aan qaatto howl kasta oo loo baxayo.

Inta badan warku,maaddaama uu yahay arrin dadku aad u xiisanayaan,wakaaldo iyo umado badan uu shaqo u yahay oo haddii war la waayo,aanay howshu soconayn,waxa laga rabaa warku inuu yeesho astaamahan;-

1-inuu noqdo warku mid xiiso leh  u fiirso "John B.bogart”waa journalist Maraykan ah wuxu yidhi "When a dog bites Man, that’s not news,because it happens so often,but if Man bites a dog thats news” macnuhu waa "marka uu Ay qaniino Nin,kaasi war maaha,waa wax inta badan dhaca lkn haddii uu Ninku ay qaniino kaas ayaa ah war”

2- Warku waa inuu noqdaa war muran iyo dood ka dhalin kara bulshada dhexdeeda,(controversial) oo hadal hayntiisu badataa,oo dhowr casho goobaha lagu kumo ka socon kara haddii kale halkiisa ayaa lagu illoobayaa oo saamayn badan ku yeelan mayo dhegaha dadka.

3-Waa inuu noqdaa war  cusub,ama barmaamij cusub oo aan hore loo maqal haddii war hore u jiray aad ku cel celsio isagana xiiso yeelan mayo oo waattii Somalidu maah maah ku tidhi "War la qabaa Xiiso ma laha”

 Haddaba marka qaabkan loo shaqaynayo lagama eegayo waxa dhib iman kara,ee waxa laga talinayaa dano dhaqaale ama Siyaasaded.

 

Haddii aynu taariikhda dib ugu yara noqonno, warbaahintu hadba waayihiisa iyo wakhtiga jooga ayuu la jaan qaadaa,waxase la isla ogyahay in wakhtiyadii hore ee aanay jirin ilbaxnimadu,iyo wakhtigan Casriga ah isku si uun loo xiisaynayo,oo aadmiga mar kasta dhegtiisu waa taagantahay,hase ahaatee waxa kala duwan qalabka lagu qadayo iyo deg dega uu u faafayo,Sidaas darteed ayay noqotay inuu kala duwanaado warkii oo maanta waxa lagu kabi karaa been ama war aan sal iyo raad lahayn hase ahaatee xilliyadaas hore waxa la ururin jiray warka muddo waxa loo qori jiray ama loo dhigi jiray habka la isla yaqaanno ee bulshada meel deggani  isku afgarato ama ha noqotto qoraal ama calaamado, ka dib waxa qaadi jiray Safar magaalo illaa magaalo,ama koox muusiga tunta oo magaalo kale u tagaysa si ay u soo madadaaliyaan oo ka mid ahayd shaqooyinka  la isgu socdaalo,ama dad gaadiid watta sida Fardaha,Awrta,iwm oo iyaga naftooda ay shaqo u tahay inay qaadan bushqado fariimo ah ama alaabo la isu dirayo.

Qaar badan oo ka mid ah magaalooyinkii Giriiggii hore,ama Romanka,iyo Mesopatamiinta(Iraq) waxay lahayen dayr ku wareegsan inta badan,irridda hore oo dusha ah waxa fuushanaan jiray gaadh ama eegi,marka uu sheedda ka arko col soo socda,wuxuu garaaci jiray Durbaan wayn oo laga maqlo dhawaqisa magaalada oo dhan, sidaas ayaa laysu war gelin jiray oo looga diyaar garoobi jiray si difaaca loo sii xidho.

Qarnigii 16aad muslimku waxay soo kordhiyeen qaab cusub oo warka look ala helo,oo waxa la isku waraysan jiray masjidka Xaramka,maadaama ay umad badan oo Xujaaj ahi isugu iman jireen,masjidka gudihiisa ayaa lagu kala war qaadan jiray halka waddanka ingriiska lagu kala war heli jiray makhayadaha shaaha ama coffee ga.

Waxa kaloo jiray Caroog ama buun wax la yidhaahdo,oo la isugu baaqo,marka reerku geediga yahay si aan look ala lumin oo macnihiisu yahay reerkii xaggan ayuu joogaa ee soo baydha,waxa kaloo jirtay in dab xoog badan la shido habeenkii waxa loo yaqaannay lalabe oo halkaas dabka laga shiday waxa isku urursanaya Ciidan la rabo inay duullaan u baxaan Somalida ayaa  xattaa wakhtiyo dhowayd hababkan isticmaali jirtay,

Waxa kaloo jirtay Somalida dhexdeeda in xattaa imikadan meelo ka mid ah dhulka Somalidu degto Tuulooyinka marka la iskugu ymaaddo,Waxa la isugu baxaa Geed magaalada yar kooneheeda ah,ka dib halkaas ayaa nin kastaaba wuxuu war hayo jihada uu ka yimid sii daayaa,hadday tahay inuu roob helay dhinacaa uu ka yimid iyo haddii uu arkay baadi xoolaad ama wax kastoo war ah oo uu hayo,dhamaan hababkaas aynu xusnay waxay ka mid ahayen siyaabaha warka la isu gaadhsiiyo maadaama ay dhaqan ahayd waxa ku badnayd daacadnimada oo war beena sida loo sheegaa way adkayd ama suurto galba may ahayn. dhamaan waxyaabahani waxay ahaayeen qaab war baahineed.

Imika wakhtigan casriga ah ee technologiyadu ay gaadhay meel sare,adduunka waxa lagu tilmaama inuu noqday Tuulo iska wada war haysa "Global” Idaacadihii,Televisons,Intenet way batten, haddii barigaas hore warka looga faaiidaysan jiray,dano umadda guud ahaan dan u ah hadda waxay noqotay ujeeddo badan.waxa ku soo biiray in dhaqaale badan laga raadiyo war baahinta,waxa ku soo biiray xayaysiisyo,Dano Siyaasadeed,

Ninkii ugu horreeyay inta taariikhda la garanyo ee warqad been ah diraa wuxuu ahaa ‘Nicolo Machivelli’,ka dib markuu warqad saxiibkii u diray isagoo iska dhigaya Ina Boqor,markii la ogaaday Xabsiga ayaa la dhigay.

In kastoo ay jiraan wakaalado warbaahineed oo badan oo sumcadooda ilaashanaya,haddana waxa hubaal ah war kastoo maanta warbaahinta kala duwan ama ha noqotto Mass media ama Social mediaee laga daawado,laga dhegeysto ama laga akhristo inaanu ahayn wax la aamini karo ee u baahan in la hubiyo

Waxaynu odhan karnaa guud ahaan isku soo duub,war oo dhami Run ma wada aha ee waxa fiican In la iska hubiyo oo loo fiirsado.hana la raadiyo war la isku hallayn karo.

ALLAA MAHAD LEH

 

Rashiid Odowaa M.A.Diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...