Ha kala Shirinee Wada Shira!!!

0
Tuesday June 11, 2019 - 13:00:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ha kala Shirinee Wada Shira!!!

    Maan jecelayn in iyadoo Qarnigii 21 labaatanaad lagu jiro in ay dadkaygu weli isu dilaan Beel_beel ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maan jecelayn in iyadoo Qarnigii 21 labaatanaad lagu jiro in ay dadkaygu weli isu dilaan Beel_beel ,
u shiraan Beel_beel , u doodaan Beel_beel sidoo kale ay wax ku doortaan qabiil iyo kanaa ina xiga ama aynu isku Reeer nahay!.

Maan jecelayn in aan arko dadkaygii wax bartay badankoodii ee aqoonyahanka ahaa in ay qabyaaladu ka saamayn badato oo ay ku milmaan inta aan wax baran ee ay indhahoodu qabtaan inta la cid ama la caa'ilad ah siday meel u qabsan lahaayeen ama wax u xukumi lahayeen !.


Ninka wax bartay waxay ahayd in maanta markuu xil ama xukun bulshadiisa u qabto ugu horayn laga dareemo isbedel meesha uu joogo ama ( institution) ka uu madaxda ka yahay , si ay ugu noqoto tusaale wanaagsan bulshada.

Hadaan u soo noqdo ujeedka maqaalkaygan yare ee kooban , beryahan waxaan maqlayay Shir ay Beelo ku baaqeen in lagu Qabto Gobolka Tog_dheer ee Burco , Shirkaa waan Taageersanahay Sababtuna waa 3 saddex qodob!!.

1. Dadku wuxu jecelaa in la helo Xukumad ama Hugaan wixii ay dadka ugu dhaartay rumaysa iyo Dastuurkii ay dhigteen , waase la wayay oo kitaabkii laga been sheeg!.

2. Dadku wuxu rabaa Cadaalad , taasina waa la waayay oo waxay noqotay ninkii taliyoow ku tumo , oo waxaad xogagaal u tihiin in la xidhay maanta xildhibaan xasaanadii Bulshadiisa leh iyo dad kaloo badan oo dareenkooda Cabiray ama hadlay oo qudha!!.

3. Dadku waxay rabaan Nabad , taasina meelo badan oo Gobolada Somaliland ah maanta cabsi baa ka jirta , oo xukumadu way gabtay xilkeedii wayna ku fashilantay sugida amniga Bulshada iyo saraakiilba!!.

Ugu danbayn maahmaah somali ah baa tidhaaha " waxaad jecehay hadaad waydo , waxaad ka fursan waydaa la suubiya ama la sameeyaa!!", maxaa lagu didanyahay hadii la waya wixii la jecelaa in ay Beeluhu isu yimaadaan oo yidhaahan waar aan kala nabad helo , iska kaashano wixii horumar ah , wixii dhib inagu ahna aan iska dayno??.

Waa bilahi tawfiiq
W/Q: Keyse Abdillahi Yousuf (dhisaaye).


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...