Maamulka Puntland Oo Dawlada Federaalka Ah U Diray Codsi Ku Saabsan Saamiga Ay Ka Helayaan Tirada Xujaajta Ee Sanadkan

0
Friday March 08, 2019 - 17:33:27 in News by
  • Visits: 1234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Puntland Oo Dawlada Federaalka Ah U Diray Codsi Ku Saabsan Saamiga Ay Ka Helayaan Tirada Xujaajta Ee Sanadkan

    Maamulka Puntland Oo Dawlada Federaalka Ah U Diray Codsi Ku Saabsan Saamiga Ay Ka Helayaan Tirada Xujaajta Ee Sanadkan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland Oo Dawlada Federaalka Ah U Diray Codsi Ku Saabsan Saamiga Ay Ka Helayaan Tirada Xujaajta Ee Sanadkan

 

Garoowe(HWN):-maamul goboleedka Puntland ayaa dawlada federaalka ah ee Soomaaliya u dirtay fariin ku saabsan xajka.

Wasiirka cadaalada iyo arimaha diinta ee maamulka Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo la hadlay warbaahinta ayaa dawlada federaalka ah ugu baaqay inay ku soo wareejiyaan qaybta maamulka Puntland ka helay xujaajta sanadkan ka tagaysa soomaaliya.



Wasiirka cadaalada iyo arimaha diinta ayaa ku dooday inay doonayaan oo kaliya tirada ay xaqa u leeyihiin waxaanu hadalkiisa ku bilaabay "Sanadkan soomaaliya waxa ka xajaya dad gaadhaya11,500 iyada oo la kordhiyey tiradii hore uga tagi jirtay, anagu ma doonayno wax aanaan lahayn, wixii ay Puntland xaqa u lahayd ayaanu ka doonaynaa dawlada federaalka ah.”

Sidoo kale wasiirka cadaalada iyo arimaha diinta Puntland ayaa ka digay dad uu sheegay inay carqalad wadaan waxaanu yidhi "Dadka isku dayaya inay carqaladeeyaan saamiga ay Puntland leedahay waxaanu u sheegaynaa inaanu la socon, waxaanan doonaynaa inaanu anagu maamulano balse aanay shirkad dambe noo maamulin.”

Wasiirka cadaalada iyo arimaha diinta ee maamulka puntlanda ayaa sidoo kale sheegay inay haatan wadaan diyaar garawgii ugu cuslaa ee ay ugu jiraan arimaha xajka.

 

Loading...
Loading...