Wasiir Maxamed Kaahin Oo Soo Bandhigay Natiijada Kulamo Weftigii Xisbiga Kulmiye Ku Yeesheen Wadanka Djibouti

0
Friday March 08, 2019 - 17:13:21 in News by
  • Visits: 1751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Soo Bandhigay Natiijada Kulamo Weftigii Xisbiga Kulmiye Ku Yeesheen Wadanka Djibouti

    Weftigii Xisbiga Kulmiye oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weftigii Xisbiga Kulmiye oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

 

Hargeysa(HWN):-Weftigii ka socday xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ee ku maqnaa wadanka Djibouti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.


Wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed ahna gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Kulmiyeoo faah faahin ka bixiyey socdaalkii ay ugu maqnaayeen wadanka Djibouti ayaa ka waramay shirkii ay ka qayb galeen iyo kulamo ay la qaateen madaxweynaha Djibouti iyo xubno ka mid ah xukuumada dalkaasi.

Wasiir Maxamed Kaahin oo ugu horayn ka hadlaya shirkii xisbiga haya talada dalka Djibouti ee ay ka qayb galeen waxaan yidhi "Waxaanu ka qayb galnay munaasibad xisbiga RPPuu ku xusayey 40 guuradiisa, waxa kale oo la soo casuumay asxaabta siyaasiga ah ee wadamada ay saaxiibka yihiin oo ay ku jiraan dalka Itoobiya oo ay sadex xisbi ka soo qayb galeen, wadanka Rwanda iyo Somaliland oo xisbiga Kulmiye ka qayb galay iyo xisbiga shuuciga ah ee dalka Shiinaha.”

Wasiir Maxamed Kaahin oo faah faahinaya kulan ay la qaateen dhigiisa dalka Djiboti ayaa waxa uu intaas raaciyey "Waxaanu la kulanay wasiirka arimaha gudaha Djibouti iyo taliyaha ciidamada booliska kuwaas oo aanu ka wada hadalnay arimaha nabad galyada labada dal, nidaamka iyo qaabka maamul ee xuduuda labada dal u dhaxaysa.”

Sidoo kale waxa uu ka waramay kulan ay la qaateen madaxweynaha dalka Djibouti iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaanu yidhi "Waxa kale oo na qaabilay madaxweynaha jamhuuriyada Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo si aad ah noo qaabilay si wanaagsana noo soo dhaweeyey, iyada oo ay shirka ku wehelinayeen madax sare oo iskugu jira wasiirada,baarlamaanka iyo xisbigaba waxaanan uga mahad celinay casuumadii xisbiga uu madaxda ka yahay nalagu soo casuumay.”

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa intaas raaciyey "waxa kale oo aanu ka wada hadalnay sidii ay labada dal iskaga kaashan lahaayeen xaga dhaqaalaha, nabad galyada iyo xaga bulshadaba, axsaabtii ka soo qayb gashay RPP ee ka socday wadamada Itoobiya, Burundi iyo Somaliland intuba waxay ka hadleen oo ay lagama maarmaan tahay in la horumariyo oo ay wada hadlaan asxaabta afkaaraha siyaasiga ah saaxiibka ka ah.”

 


Loading...
Loading...