Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Dardaarano Faray Ardayda U Fadhiisanaysa Imtixaanaadka Shahaadiga Ah

0
Friday June 07, 2019 - 16:30:17 in News by
  • Visits: 1100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Dardaarano Faray Ardayda U Fadhiisanaysa Imtixaanaadka Shahaadiga Ah

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Dardaarano Faray Ardayda U Fadhiisanaysa Imtixaanaadka Shahaadiga Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Dardaarano Faray Ardayda U Fadhiisanaysa Imtixaanaadka Shahaadiga Ah


Addis Ababa(HWN):-Raysal wasaaraha dalka Itoobiya ayaa booqday xarunta kaydka iyo laybareeriga wax akhriska ee ugu weyn dalkiisa.


Intii uu raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed ku guda jiray booqashadiisa ayuu khudbad niyad dhisid iyo taageero iskugu jirta u jeediyey ardayda sanadkan u diyaar garoobaysa imtixaanaadka shahaadiga ah ee dalka Itoobiya.




Raysal wasaaraha ayaa ardayda u soo jeediyey inay ku raaxaystaan imtixaanaadka isla markaana awooda iskugu geeyaan inay darajooyin fiican keenaa isaga oo u sheegay in xarumaha wax akhrisku ay yihiin goobo dhisaya maxkamadooda oo loo baahan yahay inay ka Faa,iidaystaan.


Sidoo kale raysal wasaaraha Itoobiya ayaa ardayda la wadaagay qorshe uu ku dhisayo xarun wax akhris weyn oo laga hirgelin doono goob ka soo horjeeda xarunta baarlamaanka, waxaanu booqashadiisa u soo gaba gabeeyey dhiiri gelin uu siiyey shaqaalaha xarunta kaydka iyo wax akhriska.


Sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska raysal wasaare Abiy Ahmed waa markii ugu horaysay ee raysal wasaare Itoobiyaan ahi booqdo xaruntaasi tan iyo wixii ka dambeeyey markii talada laga tuuray Haile Sellasie kaas oo mudadii uu xukunka hayey booqday.

Loading...
Loading...