Ururka FIFA Oo Shaaciyey Caasimada Dal Afrikaan Ah Oo Ay Ku Qabanayaan Shirweynaha 70aad.

0
Friday June 07, 2019 - 16:29:12 in News by
  • Visits: 1547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka FIFA Oo Shaaciyey Caasimada Dal Afrikaan Ah Oo Ay Ku Qabanayaan Shirweynaha 70aad.

    Ururka FIFA Oo Shaaciyey Caasimada Dal Afrikaan Ah Oo Ay Ku Qabanayaan Shirweynaha 70aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka FIFA Oo Shaaciyey Caasimada Dal Afrikaan Ah Oo Ay Ku Qabanayaan Shirweynaha 70aad.


Addis Ababa(HWN):-ururka kubada cagta aduunka ee FIFA ayaa shaacisay in magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya lagu qaban doono shirweynaha xubnaha xidhiidhkaee qabsoomi doona sanadka soo socda.




Ururka FIFA ayaa shaaciyey in shirkan ay yeelanayaan xubnaha ku jira ururkaasi oo ah kii 70aad lagu qabanayo Addis Ababa iyada oo sanadkii hore-na lagu qabtay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.


Agaasimaha ururka FIFA oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirweynaha soo socda ee ay yeelanayaan xubnaha ku jira ururkaasi uu ka dhici doono magaalada Addis Ababa gaar ahaana lagu qaban doono xarunta midawga Afrika.


Shirkii Paris ee toddobaadkan dhacay, ayaa waxa dib loogu doortay madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Gianni Infantino oo aanay cidina la tartamin, kaas oo xilka hayn doona illaa sannadka 2023.


Waxa kale oo shirka lagu ansixiyey miisaaniyadda sannadka 2020 oo ay ku jirto 810 milyan oo Dollar oo maalgelin kubadda cagta ah ay FIFA ku samayn doonto.


Qodobka saddexaad ee ka soo baxay ayaa waxa uu ahaa in shir weynaha 70aad ee FIFA ee ku muddaysan May 2020 lagu qabto caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Loading...
Loading...