Ujeedada Safar Uu Raysal Wasaaraha Itoobiya Ku Tagay Suudaan SAWIRO

0
Friday June 07, 2019 - 14:28:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Safar Uu Raysal Wasaaraha Itoobiya Ku Tagay Suudaan SAWIRO

    Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa maanta gaaray magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa maanta gaaray magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan,

si uu u dhex-dhaxaadiyo madaxda militariga dalkaas xukuma iyo hogaamiyayaasha dibad-baxayaasha.

 

Abiy ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Khartoum wuxuuna kulamo la leeyahay Jeneraalada xukunka haya.

 

Ra’iisul wasaraaha Itoobiya ayaa la filayaa in goor dambe oo maanta ah uu sidoo kale la kulmo xubnaha hoggaaminaya banaan-baxayaasha.

 

"Waxaan casuumad ka helnay safaaradda Itoobiya si aan halkaas ugula kulano ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, waana tagi doonnaa” Waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha dibad-baxayaasha Omar al-Digeir oo la hadlay wakaaladda wararka AFP.

Ciidamada Sudan ayaa isniintii billaabay howl-gal ka dhan ah dibad-baxayaasha fadhiya dibadda xarunta wasaaradda gaashaandhigga, waxaana ku dhintay in ka badan 100 qof.

Saraakiisha ayaa sheegay in tirada rasmiga ah ee dhimashada ay tahay 61 qof.



Loading...
Loading...