Keebaa Awood Badan Dhaxalsugaha Imaaraatka Iyo Kan Sucuudiga?

0
Friday June 07, 2019 - 14:22:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Keebaa Awood Badan Dhaxalsugaha Imaaraatka Iyo Kan Sucuudiga?

    Waxaa sannadihii dambe aad warbaahinta ugu jiray dhaxalsugaha boqortooyada Sucuudiga,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sannadihii dambe aad warbaahinta ugu jiray dhaxalsugaha boqortooyada Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan, waxaana aad looga hadlaa awoodihiisa tan iyo intii la dilay warihii caanka ahaa Jamaal Khaashuqji.



Balse sida uu qorayo wargeyska New York Times, waxaa in door ah ka awood badan dhaxalsugaha Imaaraatka Carabka, Maxamed Bin Sayid.


Wargeyska ayaa sheegay in sannadkii 1991-dii in Maxamed Bin Sayid uu bilaabay in uu Maraykanka hub iyo diyaarado dagaal ka iibsado kadib dagaalkii Gacanka.


30 sanno kadib xilligaas, wargeyska ayaa sheegay in dhaxalsugaha oo ah maamulaha magaalada Dubai, iyo amiirka sida dadban u maamula Imaaraatka, uu yahay ninka ugu awoodda badan dunida Carabta, yahayna kan ugu saameynta badan.


Waxa uu maamulaa dhaqaale gaaraya $1.3 trillion doolar, taas oo ka badan midda uu heysto dal kasta oo adduunka ku yaala.


Saameynta uu ku leeyahay Maraykanka ayaa ah mid aad u ballaaran, gaar ahaan wuxuu wargeyska sheegay in uu ku fiican yahay sida uu Maraykanka ugu qancin lahaa wax kasta oo uu doonayo.


Balse sidaas oo ay tahay wuxuu wargeyska tibaaxayaa in amiirka uu hareer marayo Maraykanka, uuna gaarayo go'aanno kaligiis ah oo hawlgalo uga samaynayo Yemen, Soomaaliya, Liibiya iyo waliba Masar oo uu ciidamada ku taageeray in ay xukunka la wareegaan.


Dublamaasiyiinta Reer Galbeedka ayaa sheegay in Amiirka uu aad ugu qafiifay arrimaha Iran iyo ururka Ikhwaanka.


Maxamed Bin Zayid ayaa ka shaqeeyay xiriir dhow oo uu la yeesho madaxweynaha Maraykanka Donald Trump xitaa ka hor intii uusan madaxweyne noqonin.


Waxa uu wargeyska sheegay in uu galaangal dhow la yeeshay dadka ku xeeran Trump, islamarkaana ka saxiixday heshiisyo ciidan iyo kuwa ganacsi.


Waxaa la sheegay in uu isku dayay in uu dhexdhexaadiyo Maraykanka iyo Ruushka.


Ugu yaraan illaa 5 qof oo u shaqaynaysay Maxamed Bin Sayid, Dhaxalsugaha Imaraatka, ayaa lagu hayaa baaritaano waaweyn oo ka socda Maraykanka.


Muddo labo sanno ah ma uusan soo booqanin Maraykanka, inkasta oo markii hore uu si joogto ah u tagi jiray.

Isaga oo 18 jir ah ayuu ka qalin jabiyay jaamacad ku taalla Ingiriiska, wuxuuna bartay duulliyenimo.


Waxaa la sheegay in uu yahay nin aad u firfircoon, shirarka aanan kasoo dib dhicin, go'aanadana si dhaqso leh ku gaara.


Saraakiisha Maraykanka waxa ay ku tilmaameen nin laab furan, aan isla weyneyn, qaxwihiisana isaga shubta.

Waxa uu aad u jecelyahay Maraykanka, wuxuuna sheegaa in carruurtiisa uu xitaa u dalxiis geeyo meelo ku yaala dalkaas.

 

BBC

Loading...
Loading...