Abiy Ahmed oo dhex-dhexaadinaya dhinacyada Sudan

0
Friday June 07, 2019 - 09:01:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abiy Ahmed oo dhex-dhexaadinaya dhinacyada Sudan

    Ra'iisul wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa jimcaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa jimcaha

booqan doona magaalada Khartoum si uu u dhex-daadiyo hogaamiyayaasha milatariga haya talada dalka Sudan iyo isbahaysiga kooxaha dibad-baxayaasha, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan safaaradda Ethiopia ee Khartoum.


Ilo-wareedyada ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in Abiy uu la kulmi doono Golaha Militariga Sudan iyo Isbahaysiga Xooggagga Xoriyadda iyo Is-beddelka, inta lagu guda jiro booqshadiisa halka maalin ah.



Dhinaca kale, Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika ayaa Sudan ka hakiyey xubinnimadii iyo dhammaan dhaq-dhaqaaqyadii ururka, inta dowlad rayid ah looga dhisayo dalkaas.


Golaha ayaa go’aankan ku dhowaaqay kadib kulan ay xubnaha golaha maanta ku yeesheen magaalada Addis-Ababa.


Go’aanka ayaa ka dambeeyey kadib markii dhowaan ay sare u kaceen rabshadaha dalka Sudan, ayada oo ciidamada ammaanka ay toddobaadkan dileen dad ka badan 100 qof oo dibad-baxayaal ah.


VOA

Loading...
Loading...