Maamulka Puntland Oo Wakhti Dambe Jawaab Ka Bixiyey Xaaladii Deg Dega Ahayd Ee Madaxweyne Muuse Ku Soo Rogay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag.

0
Thursday June 06, 2019 - 18:17:05 in News by
  • Visits: 3082
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Puntland Oo Wakhti Dambe Jawaab Ka Bixiyey Xaaladii Deg Dega Ahayd Ee Madaxweyne Muuse Ku Soo Rogay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag.

    Maamulka Puntland Oo Wakhti Dambe Jawaab Ka Bixiyey Xaaladii Deg Dega Ahayd Ee Madaxweyne Muuse Ku Soo Rogay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland Oo Wakhti Dambe Jawaab Ka Bixiyey Xaaladii Deg Dega Ahayd Ee Madaxweyne Muuse Ku Soo Rogay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag.


Garoowe(HWN):-Maamulka Puntland ayaa ka hadlay talaabadii uu madaxweynaha somaliland ku go’aamiyey in xaalad deg deg ah lagu soo rogo deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.



Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan(Axmed Karaash) oo ka hadlay talaabadii madaxweynaha somaliland xaalada deg dega ah ku galiyey deegaanada gobolka Sanaag ayaa sheegay inaanay suurta galayn, waxaanu sheegay in gobolkaasi uu ku jirayo xaaladiisa caadiga ah.

Image result for axmed karaash

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash ayaa ugu baaqay hay’addaha caalamiga ah inay ka hawl galaan gobolka, isaga oo sheegay inay jiraan hay’addo ka tirsan maamulka Puntland oo si toos ah uga shaqeeya deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.


Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash oo ka hadlay jawaabta ay ka bixinayaan talaabadii madaxweyne Muuse xaalada degdega ah ku galiyey deegaanada ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxa uu yidhi "Madaxweynaha somaliland ee Muuse Biixi Cadi waxa la yidhi cunaqabatayn ayuu saaray gobolka Sanaag, waxaanu leenahay ma saari karo, haddii uu saarana anaga ayaa ka hawl galayna.”


Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa sheegay inaanay jirin kooxo nabad galyo daro ka wada gobolka Sanaag, isaga oo sheegay in somaliland dhexdeeda ay tahay meelaha ay dhibaatadu ka dhacayaan.


Jawaabta maamulka Puntland ay ka bixiyeen xaaladii deg dega ahayd ee madaxweynaha somaliland ku soo rogay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa u muuqata mid wakhtigeedii ka dib dhacday isla markaana aan macno buuran lahayn.

Loading...
Loading...