Ahmiyadda Kalmadda Biyo: Qaybtii 2-aad. Qalinkii Jamal A. Muse

0
Friday March 08, 2019 - 11:05:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ahmiyadda Kalmadda Biyo: Qaybtii 2-aad. Qalinkii Jamal A. Muse

    "Bawsiga Cilmiga Biyaha Iyo Weeleynta Waayo-Aragnimo Kooban"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Bawsiga Cilmiga Biyaha Iyo Weeleynta Waayo-Aragnimo Kooban"


Ugu horreyn, qormaddii koowaad waxan kaga hadlay daah-furka qoddobada aynnu ku faaqidi doono taxanaha Ahmiyadda Kalmadda Biyo, sidoo kale, waxa aynnu diiradda saarray gorfeynta macnaha guud ee Biyaha iyo falanqeynta ilaha iyo noocyada isticmaalka Biyaha.


Hadaba, qaybta labaad ee maanta/caawa waxaan ku lafo-guraynaa labo qoddob oo kala ah:
▪ Muhiimadda Helitaanka Biyaha,
▪Farsamada Iyo Duxda Cilmiga Biyaha,

Muhiimadda Helitaanka Biyaha:
------------------------------ --------------
Helitaanka biyo nadiif ahi waa qoddob aasaasi iyo sal-dhige u ah baahida aadmiga iyo dhammaan noolaha koonka ku nool. Waxa xaqiiqo ah in qof kasta oo carro-edeg ku nooli u baahan yahay inuu maalin kasta helo 20 ilaa 50 litir oo biyo ah. Isaga oo u isticmaalaya karsiimada dheriga, cabbitaanka iyo nadaafadda.

Dhinaca kale, biyuhu kaliya muhiim uma aha dhammaan noolaha, balse waa xubin ka mid ah khayraadka dabiiciga ah ee dunida, kuwaasi oo laf-dhabar u ah xoojinta horumarka guud ee dalalka. Sidoo kale, biyuhu waxay saameyn togan ku leeyihiin dhammaan dhinacyada horumarka. Tusaale ahaan:
▪ Kobcinta Dhaqaalaha,
▪ Caafimaadka Noolaha/Aadmiga sida Nidaaminta heerkulka Jidhka, fuuq-celinta, dheef-shiidhka, nuddaha, unugyada, wareegga dhiigga, khashin saarka iyo xoojinta shaqadda hab-dhisyada,
▪Wax soo saarka Dalagga Beeraha,
▪ Ilaalinta Degsiimada iyo Deegaanka,
▪Xaqiijinta Nadaafadda iyo Fayo-dhawrka guud,
▪ Amniga iyo Xasiloonida,
▪ Warshadaha,
▪ Dabaasha,
▪Tamarta iyo Dhallinta Nal-tiriigga,
▪ Agabka Guryaha, Dhismaha iyo gawaadhida,
▪ Iwm.

Farsamada Iyo Duxda Cilmiga Biyaha,
------------------------------ ---------
Farsamada biyuhu waa farsamo muhiim u ah horumarka kaabeyaasha addeegyada biyaha dalka. Sidoo kale duxda cilmiga biyaha iyo ujeedka barashadiisa, waxa ka mid ah:
▪ Sahaminta iyo Saadaasha Xaddiga Dhibica Roobka,
▪ Xogta Biyaha Oogada Dhulka iyo Caqabaddaha taagan,
▪Xogta Xaaladda Biyaha Dhulka hoose ceegaaga,
▪Fahanka Ahmiyadda nadaafadda iyo daaweynta biyaha,
▪ Xogta Hanaanka biyo fidinta,
▪ Dejinta shuruucda, nidaamyada, heer-beegyada iyo halbeegyada biyaha.
▪ Dhismaha Awoodda Fulinta Addeegga Biyaha,
▪Qorsheynta, dabagalka, maamulka iyo maareynta mashaariicda horumarinta addeegyada biyaha,
▪Xoojinta Nadaafadda iyo Fayo-dhawrka biyaha,
▪ Kobcinta dhaqaalaha,
▪Iwm.

La soco qaybo kale oo muhiim ah,

Jamal A. Muse

Ag. Guud Ee W. H. Biyaha JSL.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...