Dawlada Federaalka Ah Iyo Maamulka Jubaland Oo Isku Soo Dhawaaday Iyo Raysal Wasaare Khayre Oo Heshiis Ku Saxeexaya Kismaayo

0
Friday March 08, 2019 - 01:14:28 in News by
  • Visits: 2508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Federaalka Ah Iyo Maamulka Jubaland Oo Isku Soo Dhawaaday Iyo Raysal Wasaare Khayre Oo Heshiis Ku Saxeexaya Kismaayo

    Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Heshiis Ku Saxeexaya Kismaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Heshiis Ku Saxeexaya Kismaayo

Dawlada federaalka ah ee soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa isku soo dhawaaday, kana soo dagay mawqifyadii ay ka taagnaayeen khilaaf mudo soo jiitamayey oo u dhaxeeyey.


Wefti hordhac u ah raysal wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Khayre oo tagaya magaalada Kismaayo ayaa gaadhay Jubaland oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa la filayaa inuu kulan la qaato madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) oo ay si weyn iskaga soo horjeedeen dawlada soomaaliya.

Dowladda iyo Jubaland ayaa dhowaanahan waxaa u socday wada-hadallo hoose oo badankood ka dhacay magaalada Nairobi, waxaana la sheegay in inta badan ay is-afgarteen islamarkaana heshiis rasmi ah lagu gaari karo safarka Kheyre ee Kismaayo.

Wafdi hordhac u ah ra”iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamulkan Jubbaland.

Sidoo kale, ciidamo khaas ah oo la socday diyaaradda kuwaas oo qeyb ka qaadanaya sugidda amniga ra’iisul wasaaraha ayaa maanta gaaray Kismaayo.

 


Loading...
Loading...