Haay'adda Al Nakhiil Oo Mashaariic Waawayn Dalka Ka Hir-Galisay+Ceel Biyood,Madarasad Iyo Masaajidna Dhistay

0
Thursday March 07, 2019 - 20:07:10 in News by
  • Visits: 2176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haay'adda Al Nakhiil Oo Mashaariic Waawayn Dalka Ka Hir-Galisay+Ceel Biyood,Madarasad Iyo Masaajidna Dhistay

    Haay'adda Al Nakhiil Oo Mashaariic Waawayn Dalka Ka Hir-Galisay+Ceel Biyood,Madarasada Iyo Masaajidna Hir-Galisay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haay'adda Al Nakhiil Oo Mashaariic Waawayn Dalka Ka Hir-Galisay+Ceel Biyood,Madarasada Iyo Masaajidna Hir-Galisay.



Hargaysa(HWN)Haay’adda Al Nakhiil Foundation Oo ah haay’adda Samo-Fal ah oo u adeegta Bulshadda jilicsan eek u dhaqan dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka somaliland ayaa mashaariic Horumarineed ka fulisay maanta deegaanka Shaqale ee degmadda daara-salaam Ee Waqooyiga Magaaladda Hargaysa.



Mashaariicdan hadda ay haay’adu fulisay ayaa iskugu jira Masaajid,Ceel-Biyoodyo Iyo Madarasadda hada dhismaheedu socoto kuwaas oo uu hore bulshadda deegaanka ugu balan qaaday guddoomiyaha Haay’adda Al Nakhiil Foundation Dr Xasan Maxamed Diiriye markii uu arkay baahiyaha muhiimka ah ee ay u qabaan.


Koosaar cabdi xuseen ayaa sheegay in haay’adda Al Nakhiil ay ka dhabayso balan-qaad-yadda ay shacabka u samayso waxaana uu ka waramay mashaariicda hadda fulay iyo kuwa hadda gaba-gabadda ku dhaw.


"Wakhti wakhtiyadda ka mid ah ayaanu halkan soo marnay markaas oo masaajidna ka jirin madarasadna ka jirin kuwaas oo deegaankuna ka cabanayaan biyo la’aan baahsan,masaajidka ayaa u horeeyay oo waydinkaas arkayoo waanu dhamays-tirnay labadii ceel ee aanu balan-qaadnayn waanu dhamaystirnay madarasadii oo iyaduna u dambaysay waanagaas hawsheeda wadna oo waanu dhamayn,waxaanan halkan idiinka sheegayaa Haay’adda Al nakhiil balanka ay qaado way fulinaysaa anaguna manihin sida dadka qaar igu sawir.


Dadka deegaanka ayaa Haay’adda Al Nakhiil ku amaanay kaalinta muhiimka ah ay kaga jiraan dalka iyo sida ay baahiyihii deegaankoodu qabeen uga soo dhalaaleen oo ay ugu horayso in ay u dhiseen masaajidka ay ku cibaadaysan lahayeen,ceel-biyood iyo madarasadii caruurta lagu bari lahaa kitaabka iyo Axaadiista.


Guddoomiyaha Haay’adda Al Nakhiil ayaa intii ay jirtay waxa ay Mashaariico badan ka fulisay dhamaan gobolada dalka kuwaas oo dadkii abaaraha adigu ku dhufteen xoolo iskugu jira geel adhi iyo lo’ba siiyay,waxaana ay u qodeen ceelal ay kaga maarmi karaan biyo la’aantii inta badan soo haysa iyaga oo deegaanaddana ka fuliya masaajidkii oo wata madarasadii.


Haay’adda Nakheel ayaa iyadu ah haay’adda inta badan balan-qaadyadda ay u fuliso dadka deegaanada ay soo maraan ka dhabeeya taasi oo ku tusaysa sida ay dadkooda uga haqab-tirayaan baahiyaha kala duwan ee ay qabaan.


Guddoomiyaha Haay’adda Khayriga ah ee Nakheel ayaa isoo xadhka xidhay sidii uu bulshadiisa kala duwan wax ugu qaban lahaa,waxaana ay bulshadda inta badan ka taageera xaga masaajidada iyo dhisadda madarasadaha,waxaana ay hadda iyaduna ka fuliyeen deegaano badan in ay u soo saraan ceel-biyoodyo muhiim ah oo dad iyo xoolaba loogu tallo galay in ay ka cabaan.


Guddoomiyaha Haay’adda Khayriga ah ee Nakheel Dr Xasan Maxamed Diiriye ayaa isagu waxa Caado u ah inaanu ka tagin mashaariicda uu dhagax dhigo waxaana deegaan kasta oo aad tagto indhahaagu qabanayaan mashaariic bulshadda mahadisay oo uu deegaanadaasi uga fuliyay kuwaas ilaa hadda bulshadda deegaanadaasi laga fuliyay ay isticmalaan.


Mashaariicda dhinaca kale Haay'adda Al Khayr Fuliso ayaa waxa ka mid ah in ay caawiyaan dadka masaakiinta ah iyo sidoo kale in ay kafaalo qadaan caruurta Agoonta ah oo ay ka bixiyaan waxbarashadda kana dhisaan sidii markasta kor loogu qaadi lahaa Aqoontooda Xaga Maadi iyo mid Diini ahba.


Maxamed Aadan Ismaaciil Jiglan

HadhwanaagNews/Office

Hargaysa/Somaliland

[email protected]


Loading...
Loading...