Madaxweyne Geellaha Djibouti Oo kala Dhawaystay Xisbiyada Somaliland Iyo Eedaymihii Fara-gelinUu Ku Lahaa Doorashaddii Madaxtoyada…Faallo

Thursday March 07, 2019 - 19:31:23 in News by
  • Visits: 3023
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Geellaha Djibouti Oo kala Dhawaystay Xisbiyada Somaliland Iyo Eedaymihii Fara-gelinUu Ku Lahaa Doorashaddii Madaxtoyada…Faallo

    Madaxweyne Geellaha Djibouti Oo kala Dhawaystay Xisbiyada Somaliland Iyo Eedaymihii Fara-gelinUu Ku Lahaa Doorashaddii Madaxtoyada…Faallo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Geellaha Djibouti Oo kala Dhawaystay Xisbiyada Somaliland Iyo Eedaymihii Fara-gelinUu Ku Lahaa Doorashaddii Madaxtoyada…Faallo

Jabuuti(HWN):-Toddobaadkan gudahiisa waxa dalka Jabuuti ka qabsoomay shir-weyne looggu dabbaal-degaayey 40-sanno guuradii ka soo wareegtay Xisbiga talada haya ee dalkaasi ee loo yaqaano RPP kaas oo ah Xisbiga ay ka dhisan tahay Xukumadda uu ka arrimiyo Madaxweynaha dalkaasi Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.



Xisbiga RPP ee ka arrimiya dalka Jabuuti ayaa looggu dabbaal-degay in 40-sanno uu ka arriminaayey dalka Jabuuti halka Madaxweyne Geelle na uu xilka dalkaasi hayey muddo 20-sanno ah, waxaana soo baxaysay in mar walba xisbiyada kale ee ka dhisan dalkaasi ay sheegaan in awood loo adeegsado wakhtiyada doorashada isla mar ahaantaana ay adag tahay in ay ku guuleystaan talada dalka iyo kuraasta kale ee muhiimka ka ah dalkaasi.

Sida baraha bulshada iyo warbaahinta ba lagu baahiyey, waxa soo baxday in mar kaliya ay shirkaas ka soo dhex-muuqdaan xubnaha ugu sar-sarreeya Xisbiga KULMIYE oo uu hoggaaminaayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ahna guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbigaasi Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo sida la sheegay uu Madaxweyne Geelle iyo Xukuumaddiisu ba ay ku soo marti-qaadeen ka soo qeyb-galka shirkaasi.

Xisbiyada WADDANI iyo UCID, ayaa gebi ahaan ba aan lagu soo casuumin shirkaasi, waxaana arrintani ay u muuqataa mid Xukuumadda Geelle ay ku soo kala dhaweysanayso Xisbiyada ka jira gudaha Somaliland isla mar ahaantaaan ay keliya saaxiib dhow la tahay Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE.

Xisbiga Kulmiye ayaa sidoo kale xisbiga talada Jabuuti haya ku casuumay shirkiisii Golaha Dhexe ee Boorama ka qabsoomay dhawaan waxaana la xasuusta in madaxweyne Biixi xafladdii caleemo saarkiisa ka sheegay in si weyn la isu weydiiyay sida balaadhan ee Jabuuti uga soo qayb gashay caleemo saarkiisa taas oo uu kaga jawaabay kaftan uu ku ku yidhi ‘ Waa huuno huuno loo doortay’.

Arrintan ayaa tuhunno badan ka dhex abuurtay gudaha Somaliland maaddaama oo weli ay dalka ka taagan yihiin siyaasado lagu kala qeyb-san yahay iyo xanaf ka dhalatay Doorashooyinkii dalka ka qabsoomay daba-yaaqaddii 2017.

Dowladda Jabuuti ee uu ka taliyo Madaxweyne Geelle, ayaa ka mid ahayd wadamo hore loo la xidhiidhiyey tuhunno sheegayey in faro-gelin toos ah ay ku sameeyeen Doorashaddii ka dhacday dalka isla mar ahaantaana ay la safnaayeen Madaxweyne Biixi wakhtigii Doorashada 2017.

Hadda ba, casuumadda khaaska ah ee Madaxweyne Geelle u sameeyey Xisbiga KULMIYE ma noqon kartaa mid caddeyn u ah tuhunada ay qabaan qeybo ka mid ah shacabku ee la xidhiidha in ay dowladda Jabuuti ay hore uga soo qeyb-qaadatay tuhunada la la xidhiidhinaayo ee ah in ay soo faro-gelisay Doorashadii ka dhacday Somaliland.

Marar kala duwan oo hore oo Xukuumadda Jabuuti lagu eedeyey in ay soo faro-gelisay Doorashadii dalka ka dhacday, waxaana wakhtiyadii Doorashada ay Warbaahinta Somaliland qortay in Marwada Madaxweynaha Jabuuti ay muddo toddobaad ah olole siyaasaddeed oo ay ugu daneynaysay Xisbiga KULMIYE ay ka waday magaalada Boorama ee gobalka Awdal.

Illaa hadda ma cadda sababta Madaxweyne Geelle uu u kala xigsanaayo Xisbiyada ka jira Somaliland balse waxa inta badan loo aaneeyaa in Marwada Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha Somaliland ay ka soo wada jeedaan isku qoys. Balse faro-gelinta siyaasadda Somaliland ee Xukuumadda Madaxweyne Geelle ayaa sababi karta in ay saameyn ku yeelato siyaasadda mustaqbal ee dowladda Jabuuti maadaama kolba uu Xisbi gaar ah ka arrimiyo Somaliland.

 



Source:-Wargeyska Waaberi

Loading...
Loading...