Xeerkii Musaleenibaa Laygu Dhaqaa, Mee Kitaabkii Munasalka Ahaa?.

0
Thursday March 07, 2019 - 18:52:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2069
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeerkii Musaleenibaa Laygu Dhaqaa, Mee Kitaabkii Munasalka Ahaa?.

    xeerka yaala meelaha garsoorka ee laysku xukumo,Waa mid la qoray xiligii talyaaniga uu ka talinayey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

xeerka yaala meelaha garsoorka ee laysku xukumo,Waa mid la qoray xiligii talyaaniga uu ka talinayey

 kalidii taliyihii weynaa ee la odhan jiray BENITO MOSALENI. Waxaana xeerka dajiyay oo qoray nin la odhan jira RUKA sidaa darteed waxa xeerka la yidhaah RUKA CODE, Inta badan marka isha la mariyo qawaaniinta ku qeexan 90%waxay si dadban uga hor imanayaan mabaadiida diinta islaamka iyo dhaqanka suuban, tusaale ahaan waxay SINADA uu xeerkaasi u aqoonsanyahay qofkii ah xaas haddii uuna raali ka ahayn ninkeedu Waa sino oo waxa lagu xukumayaa 2sanadood balse haddii uu ninku iska aamuso oo u afkiisa haysto waxba loo raacimaayo SUBXAANA LAAH .



Taasi waxay ku tusaysaa halka uu ka taagan yahay diinta islaamka. Sida dadka taariikhda qoraa laga hayo ama ay sheegaan markii laysku daray Labadii dawladood ee somaliland iyo koonfurta soomaaliya waxa lagu taliyey in la sameeyo nidaam garsoor oo u dhaxeeya uuna leeyahay dal,sidaa darteed waxa soomaliland qaynuunkeedi oo ahaa mid ingiriiska dajiyay oo la odhan jiray PANAL CODE laga soo qaatay habka dacwadaha loo diyaariyo kii koonfurta oo talyaanigu lahaa oo la odhan jiray RUKA code, waxa laga soo qaatay sida laysku xukumo waxa in yar lagu sameeyay jafjafid yar oo lagu yar saleynayo dhaqanka soomaliga, walaw aanu kaasina ahayn mid ku filan garsoor. Sababtuna waxa weeye Waa shay ay qoreen dad bini'aadam ahi oo keeni kara isku dhac arrin oo xaga bulshada ah. Waana ta keenta in arrin ama kiis soo jiitamo muddo badan, Waxaana ugu wacan Waa xukunka dhaca oo laga qaato ambiil ama looga qabsado lowyer daadafeeya waxaanad arkaysaa kiisas murugsan oo in badan ku jiray meelaha maxkamadaha oo qaadanaaya waqti faro badan taasina waxay Mararka qaar keenta in dadka kiisku ka dhaxeeyo qaar badani sii wadi kariwaayaan dacwadoodi arrimo xagga dhaqaalaha ama jeedka ah.


SHAREECADA ISLAAMKA " waxaad arkaysaa arrimo badan oo waqti dheer ku jiray maxkamadaha oo marka shareecada loola laabto xageeda si dhaqso ah ku dhamaada cadaalad waynina ka muuqato. Ama qaar cusub oo markiiba dhamaada, Sababtuna waxa weeye waxa laysku xukumayaa Waa kitaabka munasalka ah ee ilaahay soo diray una soo dhiibay xabiibkeeni nebi maxamed (NNKH) oo aan lahayn hirdan afkaareed iyo sharciyo qof qoray oo layskula soo baxayo. In shareecadu si fiican wax u xalisaa waxa ugu wacan Waa kitaabka quraanka ah oo leh mug iyo miisaan wax lagu xaqo ama lagu garsooro

1 kitaabka lowyer looma qabto

2 kitaabka ambiil lagama qaato, oo wax ka seeraya awooda adoomaha.


Shay kastoo la sameeyaa waxa uu leeyahay LEAFLETtusaale ahaan dawooyinka waxa la socota warqad cadaynaysa dawada iyo waxa ay qabato. Dawada iyo waxa yareyn kara awoodeeda, dawada iyo haddii lala isticmaalo wax kale sida ay noqonayso digniino badan iyo taxadir badan.


Waxa leh leaflet wax kasta oo la sameeyo sida machine kaqalabkasta taas waxaan uga socdaa nolosha iyo aadmiguna waxay leeyihiin leaflet weyn oo qaaliya waana kitaabka ilaahay iyo sunada rasuulka SUAASHU WAXA WEEYE. Maxaa kalifay in Inagoo ku dhawaad ah dawlad ilaa 30 sanadood aan wali isticmaalno xeerarkii la qoray 1933kii ee talyaani qoray? Maxaa loo waayay in kitaabka quraanka ahmiyada lasiiyo oo laysku xukumo.


Qawaaniinta Wadan waliba isagaa ayaa qorta kuna saleeya diintiisa iyo dhaqankiisa. Haddaba Inagoo ah islaam lehna aqoonyahano diimeed iyo dhaqan maxaa inoo diidey in aan ka faa'ideysano Inta ay noolyihiin Culumaddeena waaweyn ee ay ka mid yihiin ina Sh Cali Suufi. Ina Sheekh Cali Jawhar. Sh. Dirir, Sh. Mustafe iyo culimo badan oo ilaahay siiyay aqoon iyo cilmi diineed oo facweyn sii looga raysto xeerkan baaliyoobay ee gacanta lagu sameeyay. Si loo helo garsoor xaq ah oo cadaaliya kuna dhisan kitaabka ilaahay iyo sunaha rasuulka oo looga baxo qareenada daliishanaya xeer aadmi sameeyay oo Inta badan ku saleysneyn dhaqanka iyo diinteena suuban.


Su'aashaa jawaabteeda waxaan uga tagayaa Inta jecel shareecada ee badan


Waxaa Qoray Maxamed Cabdiqaadir Colhaye.

Loading...
Loading...