Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Dhigiisa La Doortay Ee Koonfur Afrika Oo Uu Caleemo Saarkiisa Ka Qayb Galay

0
Sunday May 26, 2019 - 14:48:14 in News by
  • Visits: 1956
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Dhigiisa La Doortay Ee Koonfur Afrika Oo Uu Caleemo Saarkiisa Ka Qayb Galay

    Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Dhigiisa La Doortay Ee Koonfur Afrika Oo Uu Caleemo Saarkiisa Ka Qayb Galay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Dhigiisa La Doortay Ee Koonfur Afrika Oo Uu Caleemo Saarkiisa Ka Qayb Galay


Pretoria(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Dalka Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa.

Image may contain: 1 person, standing and outdoor

Image may contain: 1 person, standing and suit

Madaxwynaha oo munaasabaddan kaga qeyb galay Magaalada Pretoria ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweyne Ramaphosa xilka cusub ee loo igmaday, isaga oo bogaadiyay horumarka ay dowladda iyo shacabka Koonfur Afrika ay ku tallaabsadeen.


Dhankiisa, Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa ayaa uga mahad celiyey wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida ay u ajiibeen marti qaadka uu u fidiyey ee ku aaddan in ay goob joog ka noqdaan munaasabadda uu xilka kula wareegayo.

Image may contain: 1 person, standing and suit
Image may contain: one or more people, crowd, stadium and outdoor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku suganyahay Koonfur Afrika waxa uu kulamo la yeelan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkan, isagoona u kuur galaya xaaladdooda iyo caqabadaha haysta.

DHAMMAAD

Loading...
Loading...