Xiisadda U Dhexaysa Uganda Iyo Rwanda Oo Sii Xoogeysatay

0
Sunday May 26, 2019 - 08:05:52 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisadda U Dhexaysa Uganda Iyo Rwanda Oo Sii Xoogeysatay

    Uganda ayaa ku eedaysay askarta Rwandiiska ah in ay soo galeen dhulkooda ayna ku dileen laba qof.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Uganda ayaa ku eedaysay askarta Rwandiiska ah in ay soo galeen dhulkooda ayna ku dileen laba qof.

Waddamadan oo ahaa kuwa xidhiidh dhaw lahaa, ayaa labadooda madaxweyne muddooyinkii u danbeeyey midba ka kale ku eedeynayey basaasid, shirqoolid siyaasadeed iyo faragelin midba hawlihiisa ah.



Marka loo eego eedeymahii ugu danbeeyey, askar Rwandiis ah ayaa Jimcihii dabagalay tuhamane si sharcidarro ah mootooyin ugu tahriibinayey, meel u jirta siddeetan mitir xuduudka dalka Uganda.


Ninkaas ayaa si sharci darro ah loo toogtay, kaddib markuu iska caabbiyey xadhiggii, sidoo kale dad Ugandiis ah ayay dileen xilligaas oo ay isku deyay inay soo dhex galaan.


Bishii Febraayo, Rwanda waxay bilawday inay xannibto baabuurta xammuulka ee laga leeyahay Uganda, ee Katuna, halkaas oo ah xuduudkooda halka ugu mashquulka badan.


Khilaafka u dhexeeya labadan dal ee dariska ah ayaa isa soo tarayey labadii sano ee ugu dambeeyey waxay se u muuqataa in khilaafku uu cirka isku sii shareeray kaddib markii Rwanda ay xiratay xadkeeda.


Xukuumadda Rwanda ayaa si rasmi ah u sheegtay in xuduuddu ay furantahay hase ahaatee waxaa laga hor istaagay dad badan oo iskudayey in ay ka gudbaan xudduuda.


Yaa ku wax la' muranka?

Muranka xuduudda ee labada dal ayaa waxyeellada ugu wayni waxay kasoo gaaraysaa bulshada deegaanka.

Nin dhalinyaro ah oo reer Uganda ah oo lagu magacaabo - Deo Hategeka - oo BBC-da la hadlay ayaa muujiyey carada iyo walaaca uu ka qabo waxyeeladda uu muranka xuduuddu u gaystay nolol maalmeedkiisii.


Waxaa maalintii soo gali jirtay $5 oo uu ka heli jiray taxi uu kaga dhex shaqayn jiray xuduudda qaybisa labada dal.


Ganacsade kale oo reer Uganda ah oo lagu magacaabo, Bedia Nizeyimana, oo dukaan ku leh xuduudda, ayaa sheegaya in ganacsigiisu uu sii liicayo.


Digniinta xukuumadda Rwanda ee ah in muwaadiniinteeda aanay u socdaalin dalka Uganda ayaa ka dhigan in aanu jirin wax iswaydaarsi ganacsi.


Dadka reer Uganda ayaa sidoo kale ka labalabaynaya in ay ka gudbaan xuduudda sababo la xiriira xiisadda u dhaxaysa labada dal.


Shaqaalaha muruqmaalka ah oo ku tiirsan dhaalaha yar ee maalintii soo gala, sida kuwa alaabta xammaala, kuwa lacagaha sarrifa iyo shaqaalaha kale ee Rwanda ayaa shaqo la'aan noqday.


Sida lagu sheegay xog uu soo saaray Bangiga adduunka oo soo baxday sanadkii 2017-kii, Rwanda ayaa ahayd dalka shanaad ee ugu badan ee wax kasoo iibsada Uganda, ayadoo kasoo iibsata badeecooyin qiimahoodu uu dhan yahay $180 malyan oo dollar, halka Rwanda ay Uganda u dhoofiso badeecooyin qiimahoodu dhan yihiin $10 milyan oo dollar.


BBC

Loading...
Loading...