Dhulku Wuxuu Dugsanayaa, Dhalinyarada Weeyee, Haddii Aw Dhaqaaqdeen, Waain Laga Dhabeeyaa.

0
Thursday March 07, 2019 - 11:16:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhulku Wuxuu Dugsanayaa, Dhalinyarada Weeyee, Haddii Aw Dhaqaaqdeen, Waain Laga Dhabeeyaa.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,(A.S.C.W.R.W.B) SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,(A.S.C.W.R.W.B) SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

AFARTA MAANTA WAX LEH DHALINYARADA SHAQO QARAN.

1-DHULKU WUXU DUGSANAYA,DHALINYARDA WEEYEE,HADDII AW DHAQAAQDEEN,

WAA IN LAGA DHABEEYAA,DHIIRIGELIN LA SIIYAA,LA DHEX SEEXDO MAALMOO,

DHIBTA LALA WADAAGOO,DHAQAALE IYO WAANABA,LOOGU DHEGO NUGLAADAA,

DHIGASHADA QURAANKO,XAGJIRNIMO KA DHAWRTAN,DHAQANKANA ILAASHAAN.

2-DHULKU QAALI WEEYOO,DHAXALKIISA WAXA HELA, DHIB QOFKII U SOO MARA,

DHAGAR IYO U GALA TACAB,DHIIGIISA SIIYEEN,CADAWGA UGA DHAQAAQAYN,

DHURSUGA ADKAYSTE,DHAXANTA IYO KULAYLKIYO,DHAMAC UGU BADHEDHA,

DHEEFTIISUU U AAYAA,DHAYAL IYO CIYAARIYO,DHALANTEED LAGUMA HELO.

3-DHISMAHEED ADUNYADA,DHARAAR KUMA DHAMAATE,DHAQAN SOO JIRENIYO,

QORI LAYSU DHIIBAA,DHIGAALKEED AHAAYOO,RUUXBA MEEL U DHAAFSHOOY,

DHABCAALIYO DEEQSIBA,DHINACYADA KA JOOGAAN,LOOMANA DHAMAANAYN,

DHUUNIYUN LOOMA NOOLEE,DHAQAALA LA GELIYAA,LOONA DHABAR ADAYGAA,

4-DHAX DHAX DULSAARIYO,GACMO LAYSU DHIIBOO,DAACADNIMONA DHEERTAA,

DHAQSO GUUL KU GAADHA,DHEXDAA LOO XIDHAAYO,DHIDIDKAY KU NAAXDAA,

DHIRTIYO XOOLAHEENA,DHUGASHO KUUGU FILANOO,SIDDII AAD U DHAQATAY,

DHAY IYO MIDHO KU SIIYAAN,MANA DHEGO ADAYGO,DHUL WIXII LA GELIYAA.

ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


Lis Dairy
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...