Qawdda Maqashii Waxna Haw Qaban ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday March 07, 2019 - 11:07:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qawdda Maqashii Waxna Haw Qaban ( Abdi-Shotaly).

    Waxa la yidhi "nimaad taqaano uur-kiisa baad ku jirtaaye" oo micnuhu yahay waxa uu fali doonyo, ama sidda uu u fekeraayo, afcaashiisa oo dhan baad korka ka sii og-tahaye, ee ku tala gal arimahan hoos ku qoran:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa la yidhi "nimaad taqaano uur-kiisa baad ku jirtaaye" oo micnuhu yahay waxa uu fali doonyo, ama sidda uu u fekeraayo, afcaashiisa oo dhan baad korka ka sii og-tahaye, ee ku tala gal arimahan hoos ku qoran:- (1) Hawmalayn, hana u faddhiyin in somaliland intay sidan tahay meel gaadho.

(2) Doorasho xalaal ah ( wakhtigay doonto ha timaadee).
Akhristaw sababaha aan u cuska-nayaa labadan qodob ee sarewaxa weeye:-
(a) Guuritdda oo diyaar u ahayn, daacad-na ka ahayn, ee amarka askarigu uu siiyo uun go'aamisa, una rixinaysa, oo dabadda u ruxaysa, dabadda u lusha maamulka askartan cuqda-daysan, una samaysa mudo kordhin markas kaste, ilayn iyadda bay dani ugu jirtaa oo aan sharci ku fadhiyini, imisa iyo labaatan sano bay meesha iska sii fadhiyaan, oo ay iska hor keen uun wadaan iyo dhan u xaglin toos ah, oo aan qofna-ba ka dedenayn? Taas oo arimaha lagaga hadlaayo aan dheg u jalaqsiin. Bal is weydiiya mee buuggii la yidhi ha la gubo, ee Cabdiraxmaan uu ku caayaayey hablaha? Xagee buu ku dambaysay? saw qawda maqashii waxna haw qaban muu noqon?


(b) Komishanka oo isagu, kaba soo jeeddda, maamulka iyo inta ku xeeran, madax-diisuna tahay, qaybaha u xagli-naaya, maamulka, ee ay keentay-ba xukuumad ku sheegta ka orinaysaa aqalkii Mooragan.
(c) Golaha xildhi-baanadda oo Iyana lagu yaqaan:-
(1c) In dhuunta loo qooyo, xaal-koodu yahay," Faro Aan Dufan Lahayni Wax Ma Duugaan", ku shaqeeya, kuna xidhan kolba inta loo dhiibo.
(2c) Iyaka oo u badan, kuwa ku ab-tirsadda xusbiga dalka rogay ee kulmiye, tirana ah 55 Xildhiba-yaal ) Xilkii loo egmaday dhibay), lagu hoogay wixii ay ummadu u xil saartay.

Hadaba muwaadin sidaas oo ay tahay arintu, baa weli been la inoo sheegayaa, oo dhalaan habaabis iyo maaweello lala taagan yahay suuqyadda, la doonaayo in raqabadda lagu hor dhigo,oo mar kale xawdda lagaa dhameeyo, laakiin "sir ma qabe allay sahal" Baa la yidhiye, arintu muwaadin kolba waa adigu sidda aad ka yeesho iyo isha lagaa arko, haddii aad is garab taagato mucaaridka, wax waliba sidda aad doonayso bay u dhacaysaa, haddii-se maanlin kaste kaadhka lagaa marsado, wallee Somaliland baa khatar ku jirta, ee adiga iyo dadnima-daadda bay ku xidhan tahay. waa aad arkaysaa, oo kaama qarsoona sidda ay askartu kuugu badheedheen, ee reer hebel laguula dagaalamaayo, hadana la isugu kaa qarinaayo Somalialnd baad wax yeelaysaa. Intaa ku idhi dabadeed, bal hadda beryahan, iskuma aan deyine, ku soo dhawaadda in yar oo saaka igu dhalatay:-


Waar hooy dan-laawaw, ka u daran dad moodooy,
Ka-daraad dugsnaysaa, dirigaad hoganaysiyo,
Midkii diifta ku badaad, weli daba ordaysaa,
Duufaan qabyaaladi, dirxi hoosta kaga jiro,
Kuu dareershay subax qudha, daad raacdda kugu wadhay,
Intaan dooni kula deign, dusha daadku kaa marin,

Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.

Dugaag kuu xareeyaad, markuu dumiyey daartii ( Somaliland),
Daaqaddii la sii baxay, uu ka goostay daahii,
Dalagaad lahayd liqay, kaa dudubiyey hantiddii,
Digo kuu karkari-yaad, door hore ku bi'iyaa,
Maan-tana dul joogtaa, Ayaan daran in aad tahay,
Intaan dooni kula deign, dusha daadku kaa marin,

Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.

Dameeruhu ku dhaamaan, dulinimo adeys baday,
Weli aan dareemayn, door-yaankan baraddii,
Ku dikaday libtaaddii iyo doogta kugu taal,
Nabaradda damqana-yiyo, darib-taadda kii cunay,
Inu dadabta kuu galay, ruux damiina mooyee,
Intaan dooni kula deign, dusha daadku kaa marin,

Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.

Miyey dedentay xaajadu, sawkaa dad-keeni,
Dibnii sheeko daayeen, daali-miinta madaxdda ah,
Kuli loogu daw galay, dantoo-duun karaacdee,
Kolkuu dabinka kuu xidhay, dar illaahay kaa tegay,
Mar kala-na I dooruu, weli kaa dal-banayaa,
Intaan dooni kula deign, dusha daadku kaa marin,

Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.

Digtoonaadda shicib-yahayaw, intaan deylo lala tegin (Somaliland),
Darib-taadda jiidh-kiyo, dabool-kaagga haragiyo,
Dibnaa eebo lagu goyn, u dareerin Xamar iyo,
Darxuma-daad ogayd iyo, waxaad diiday beri hore,
Maanta dib ugu noqon,delde-laaddii waaggii,
Duuduub u madhiyaayey, duhur lagugu kala tegin.
Intaan dooni kula deign, dusha daadku kaa marin,

Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.

Waxan ku soo xidhay qoraalkan, horaa soomalidu u tidhi, " Durbaan adigu garaaco, ama mid ku xigaa ha kuu garaaco", shaqadda uu askarigu ku shaqeeyaa waa taas, oo aan biyo is marin. Saaka oo oo ay taariikh-du tahay 06/03/2019, waxa maxagamadda asakrigu reer-hebel u xidhay, saddex nin oo aan waba geysan, oo lagu eedaynaayo, inaadeerkii oo yidhi wax-bay iga googooyeen, oo lagu xukumay nin bay u xidhan yihiin, weli sheeko iyo shaahid miyada ku maqasheen, shicib shicib u xidhan, oo reer hebel weeye loo haysto, ay is xixgaan askarigga ( Raggii ma adigaa ka hadhay), kii lahaa weeye, Goboladda bari nin aqoon lihi kama kicin, baa askariga laf-tiisa amar siiya. kuwan ka ahina, kolba inta uu reer hebel ka soo xidho, iyo been uu u soo macmalo, sharci meesha ma yaalo.

* N.B Dulinimo adays baday, iyo doogta kugu taal!

Abdi-shotaly,

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...