Shirkii Golaha Dhexe Ee Kulmiye Ee Ka Dhacay Boorama Waxaan Ku Arkay Masuuliyiin Qiimo Badan

0
Thursday March 07, 2019 - 10:51:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Golaha Dhexe Ee Kulmiye Ee Ka Dhacay Boorama Waxaan Ku Arkay Masuuliyiin Qiimo Badan

    Shirkii golaha dhexe ee Xisbiga kulmiye Ee ka dhacay magaalada borama caasimadda labaad Ee dalka JSL waxaan ahaa xubnihii marti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii golaha dhexe ee Xisbiga kulmiye Ee ka dhacay magaalada borama caasimadda labaad Ee dalka JSL waxaan ahaa xubnihii marti

sharafta kaga qaybgaley 25/02/2019 Hadaba maalintaasi waxaan arkey masuuliyiin ku jira golaha dhexe ee xisbiga kulmiye oo aad u qiimo badan uuna ka mid ahaa wasiirkii hore Ee wasaarada maaliyada JSL Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi

Waa wasiir da,yar oo leh khibrad Waayo aragnimo intii uu wasiirka wasaarada maaliyada ahaana looga bartey shaqo wanaag ku dheehan hufnaan,karti ixtiraam iyo masuuliyadiisa oo uu ka soobaxo.

Waa wasiir gudan kara shaqo walba oo loo idmado waa wasiir ilaahay u siiyey Hibo inuu hindiso wax faa,idooyin u keeni kara umada reer SL,hal abuurnimo leh oo wax ku soo kordhin kara qaranka JSL.Hadaba shacabka reer somaliland waa iney bartaan shaqsiyaadka wax abuuri kara abwaanimo ama mu,alifnimo Ee uu ka mid yahay w/ hore Ee w/ maaliyada JSL mudane yuusuf maxamed cabdi oo mudan in shacabka la baro qiimaha u leeyahay Mr Yusuf.

Sidoo kale geesiganimada,akhlaaqda hufnaanta,aragtida fog, Ee eebe ku maneystey Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi maaha mid halkan aan ku soo kobikaro waa mid u baahan inaan wakhti dheer aan galiyo lkn iyadoo kooban ayaan soo badhigi donaa.

Hadaba qof kastaba alle hibo u gaar ah ayuu siiyey waxaana haboon inuu Hibadiisa uga faa,iideeyo bulshada Reer SL si loo helo Dhilyaro sidaas wasiir Yuusuf oo kala ah.

Hogaaminta iyo wanaaga marka la tilmaamaayo waa in laga helo Qofka afar waxyaabood oo aan culuunta la barto ahayn ee alle ku manaystay waxayna kala yihiin sidan:

A-daacadnimo iyo cadaalad

B-dulqaad iyo deeqsinimo

C-hal-adayg iyo hubsiimo

D-murti-maal iyo dadyaqaanimo

Afarta odhaahood oo is xambaarsan ayaad ka dheehan kartaa W/ W/ Hore Maaliyada JSL Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi inta badan xikmada alle ku Maneystey ayaad ka dareemeysaa marka aad la sheekeysato Waana waxyaabaha lagu karto Hogaamiyaha aragtida fog leh:

W/Hore Ee W/ Maaliyada Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi Waa shaqsi meel dheer wax ka arka,wuxuuna leeyahay dhamaan waxanoo wanaag ah

1- daacadnimo oo soomaalilandnimo maahmaahyo iyo murti badan baa kusoo arooriyaan sida daacadi ma hungowdo ,run sheeg waa daacad iwm ayaad ka

dareemi kartaa wasiir yuusuf.

2- wasiir yuusuf waa wasiir cadaalada ku wanaagsan waanan wada ognahay Iney tahay cadaaladu tiirarka ugu muhiimsan uguna qaalisan hogaanka cadaalada allena uu kaga hadlay qur,aankiisa Kareem ka ah , hadii marka horena cadaalad la waayona waxaa imaan kara dulmi ,musuq maasuq , colaad , dhac iyo boob , abwaan soomaaliyedna waatuu hore u yiri dad cadaalad waayaa sidii cowsha kala yaac .

3-Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi waa masuul Dulqaad leh dulqaadkuna waa shay qaali ah oo looga baahan yahay in qof kasta oo masuuliyad qaada uu u dulqaato wax kasta oo kaga yimaada bulshada uu hogaanka u yahay.

4-Deeqsinimo wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi waxyaabaha u leeyahay waxaa kamid ah Deeqsinimo waa qof aan ahayn bakhayl waa masuul ku si foobey wax bixinta iyo gacan furnaanta waana talagu yaqaano masuulka wanaagsan.

5-Waa wasiir Hal-adayg leh wuxuuna leeyahay go,aan qaadasho,ka fiirsasho Leh Inta,aanu ku dhawaaqin ayuu aad uga fiirsadaa oo uu rog rogaa la tashi badan ka sameeyaa ,aad uga fiirsadaa ilayn waxaa saaran masuuliyad weyne.

5-Hubsiimo waa shay looga baahan yahay qof kasta oo masuuliyad qaada si,uusan ugu fududaan wax kasta oo lasoo dersa ama loo sheego wuxuuna caan ku yahay W/hore ee W/ Maaliyada mudane Yuusuf Maxamed Cabdi maahmaahdii ahayd sheeko arooryaad waa la bariiyaa...

6-Wasiir Yuusuf Waa wasiir Murti maal badan waxayna somalidu tidhaahdaa qofka murtida badan, sida maah maahyada ,odhaah murtiyeedka kuwa sheekada araarta u noqda ,halhayska iwm oo alle ku manaystay taasina waxay kaa kaabaysaa hadal soo jeedinta ama khudbadaynta goobaha aduunka ama dalkaagaba waxuuna hadalkaagu noqonayaa mid murti ku fadhiya oo macno weyn keena,murtina lagala hadho...

8-waa wasiir Dadyaqaanimo leh ,Dhaqan wanaagsan,hogaamin wanaagsan intii uu ahaa W/W/Maaliyada,waxaa lagu yaqaaney dabeecad wanaagsan ,Dhaqan suuban iyo firficooni,karti iyo hawlkarnimo ayuu caan ku ahaa wasiirku.maahmaah soomaaliyeed baa waxay tidhaahdaa.Abaal-Marin Soomaali, way ka aradan tahay!

By maxamed jeex


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...