'' Militarization Policy '' W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Sunday May 19, 2019 - 12:20:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1996
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Militarization Policy '' W/Q: Ahmed Nour Guruje

    10 Sanadood ee ugu danbeeyey Aduunku wuxuu galay cahdi cusub oo si lama filaana ugu soo booday ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

10 Sanadood ee ugu danbeeyey Aduunku wuxuu galay cahdi cusub oo si lama filaana ugu soo booday ,

kaasoo aan ka hor lasii saadaalinin .

Qabsashaddii Ruushku la wareegay Goboladdii Abkhaasiya iyo Ingusheetiya ee wadanka Georgia , qaadashaddii Gobolka Kareemiya iyo qalalaasihii Wadanka Yukrayn waxay sababtay soo noqoshadda waxa loogu yeedhay Dagaalka Qabow ee cusub (New Cold war ) .



Dhinaca kale , xiisadaha siyaasad iyo dhaqaale ee ka taagan Gobolka Barriga fog ayaa iyana sababay in wadamadda Shiinaha iyo Jabaanku badalaan siyaasadoodii dhinaca difaaca , waxaana jirta in shiinuhu xooga saaray dhismaha maraakiibta diyaaradaha xambaaraha iyo gantaalaha ridadada fog iyo saldhigyada hawada sarre , halka Jabaankuna bilaabay dhismaha ciidan balaadhan .


Sidoo kale xiisadaha ka taagan Iran iyo W/Korea ayaa u muuqda iyana kuwo ku salaysan dhoola-tus Milateri oo laggu dhex waddo baayactan siyaasadeed oo gacme hoose wadaan.


Si kastaba ahaatee , Gobolka Geeska Afrika oo ah mid ahmiyad wayn ugu fadhiya Istaraajiyadaha ku aadan loolanka dawladaha waawayn , islamarkaana ah marin isku xidha Aduunyadda oo dhan , ayay kusoo kordhayaan Saldhigyadda dawladaha shisheeye iyo tartanka ay ugu jiraan .


Waxa kale oo jirta in Wadankii Soomaaliya la odhan jirey xaaladiisu aanay kasoo rayn lahayn , siduu u sheegay Col ka trisan ciidamada Uganda ee Amisom Wargaysa Foreign Policy, kaasoo yidhi '' Soomaaliya waa sidda Afganistan , hadii ciidamada shisheeye ka baxaana , dib ayuu ugu noqonayaa qalalaasihii '' .


sidaa markay tahay cahdigan laggu jiro oo ah mid aanay shaqaynin diblomaasiyadii keli ahayd , Somaliland iyadoo ka faaidaysanaysa bogcada ay ku taalo ee istaraajigga ah , isla markaana la jaanqaadaysa wacdiga aduunka iyo duruufaha geeska afrika , waxaa muhiima in ay qaadato aragtida kobcinta ciidamada si ay ugu sixir goosatu cududeeda

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...