Garaad Cabdicasiis Oo Dhallilay Hadalkii Dhakool Iyo Jawaabaha Siyaasiinta Beesha Dhexe

0
Sunday May 19, 2019 - 10:34:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garaad Cabdicasiis Oo Dhallilay Hadalkii Dhakool Iyo Jawaabaha Siyaasiinta Beesha Dhexe

    Salaama Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatu,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Salaama Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatu,
Salaan kadib waxaan halkan hambalyo iyo boogaadin uga dirayaa dhamaan shacabka, xukuumadda iyo Qaranka Soomaliland sanadguuradii 28 aad ee kasoo wareegtay 18 May oo ku suntan maalinta dib u curashada iyo gooni isutaaga Somaliland. Waxaan inooga beryayaa inuu Eebe sanadkan kiisa kale inagu gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo.

Intaas kadib waxaan jecelahay inaan halkan ka cadeeyo in fasiraadii iyo astaantii uu Xildhibaan Dhakool ka bixiyey maalinta 18 May ay ahayd mid khaldan oo isaga ku keli ah, aadna uga wada xunahay, isla markaana 18 May, Xaasha! aysan geynin waxa uu ku sheegay iyo wax u dhow.


Runtii xildhibaan Dhakool, isaga ayey ceeb ku tahay, in isagoo xildhibaan ah dastuurkii uu u dhaartay oo ay 18 May dhextaal u tahay ku sheego maalin madow. Shacabka reer Somalilandna way wada maqleeyeen shalayto, waraysigii ugu danbeeyay EE VOA in Wasiirkii Biyaha mudane Saleebaan Cali Koore uu si waafi ah uga hadlay waxa uu ka qabo sharciyan cida masuulka ah ku hadaaqda hadaladaas deelqaafka ku ah jiritaanka iyo sharafta Qarankan uu leeyahay.

Hadana waxaan aad u la yaabay dhaqanka cusub EE ay lasoo baxeen siyaasiinta Beesha Dhexe EE u wada jawaabaya ee haraamaya ee caayaya, nin dembigii uu galay u xidhan, oo weliba sifo sharciga baalmarsan loo soo xiray isagoo weli xasaanadii xildhibaanimo huwan.

Waxaa ka jira Koofurta Soomaaliya dhaqan la magac baxay "igu sawir” oo la isaga dhaadhicinayo xukuumadda halkaas ka talisa, waxaan aaminay dhowrkii cisho ee ina dhaafay in dhaqankaas mid la mida uu ka bilowday Somaliland kasoo la yidhaahdo "iga duub AMA anigana imaqal”.

Waayo cid walba oo doonaysa inay iska dhaadhiciso "Xukuumadda Kulmiye” waa inay ka hadashaa macduucan oo laga duubaa iyadoo caytamaysa oo sifo asluubta ka baxsan u dhaleecaynaysa khaladkuu doono ha gale, nin weli huwan xasaanadda xildhibaanimo, oo xabsiga ku jira oo xidhan, maxaadba ka caayi nin maxbuus ah, caqligu haduu shaqaynayo maad maxkamad soo taagtid oo xukunkii uu mutaysto ku ridid.

Kuwan xukuumadda Kulmiye iska dhisaya ayaa iska soo duuba fariin "Maqal iyo Muuqaal” ah. Waxaa dadkaas kuwii ugu danbeeyey ka mida hablihii Beesha Dhexe ee wasiirada ahaa sida "Hinda Gaani” oo iyadoo Qaadka ku iibisa Burco uu Madaxweyne Muuse ka dhigay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.

Waxaan leeyahay maxaa helay milgihii iyo sharaftii ay beeshan Dhexe lahayd, mise dulqaadkii baa yaraaday, mise xishoodkii baa rawaxay, mise waa "Duni Aakhirosamaan”. halka ay maanta Somaliland joogto waxaa lagu soo gaadhay waa milgaha iyo sharafka ay beeshaas hodonka ku ahayd.

Waxaan xasuustaa AUN Adeerkay Fuaad Aden Cadde oo bartamaha magaaladda Hargeysa, kula kaftama dadka oo wuxuu doono ku yidhaahda oo cidna ayan u jawaabin, cidna kaftankiisa aan xadka lahayn waxba kasoo qaadin, qof ku qosla mooyaane.

Hadaba maxaa maanta is bedelay? Ma Beeshan Dhexe ayaan ahayn tii aan niqiin? Mise ictiraafkii baa soo dhowaaday oo cid loo joojinayo ayaan jirin? Mise milgahaasi reer qudha oo beesha Dhexe ah ayaa "Hide iyo Asal” u lahaa, oo iyagiina saaxada siyaasadda ayey maanta ka maqan yihiin oo meeshoodii waxaa jooga oo bedelay "Jeegaanta”.

Waxaan maqli jirey Hebel wuxuu ku jiifaa "Dhab Libaax”, aniguse waxaan maanta dhab u qirayaa inuusan hebel oo qudha uusan ku jiifine, inaynu dhamaanteen ku wada jiiftay "Dhabtaa Libaax” oo aynu ku wada naaloonaynay, kuna soo wada caano maalnay, taasoo ku dhisneyd isu dulqaadasho, isu tudhis iyo is ixtiraam. Taas beynu sharaf iyo maamuus wadareed ku wada laheyn, Somalilandna ay wax ku aheyd.

Waxaan ku soo gunaanadayaa war 18 May weynu wada leenahay, cid kastoo maalin madow iyo maalin reer leeyahay ku sheegtaba, waxba Kama qaadi karaan, waa inaynu nidhaahno iska hadloow iyo ina Igare, way soo jirtay 18 May weyna sii jiri doontaa, insha Allah.

EE aynu naxliga iyo cunfiga reereysan iska saarno. Haduu Dhakool yidhi ma aaminsani 18 May, waxaa ku filneyd in inta wadada sharciga loo maro, dabadeedna xasaanadda xildhibaanimo laga qaado, oo la yidhaahdo hadaba orodoo qabo halkii aad doonto halkan waa Somaliland eh!

Iminka sidan wax u dhacayaan waxay guul taariikhi ah u tahay Dhakool iyo inta la fikirka ah waayo wuxuu xabsiga ka dhex leeyahay isaga qoslaya;

-War bal eega waxaan Somaliland u geystay, iyagoo xasaanadda si sahal ah iiga qaadi kara (dembigaan qaranka ka galay) awgeed ayey iska key soo xidheen, meeday dimuqraadiyadii iyo dowladnimadii ay sheeganayeen;

-War bal eega Booliiskii la doonayey inuu sugo amaanka iyo xuquuqda muwaadinka, sowtan aysan kala garaynin xeerarkii dastuurka Somaliland ee 49 iyo 79 oo aniga ka xildhibaan ahaan xuquuqdeyda dhowrayey, Booliisku miyeysan wax aqrin;

-War bal eega inaan Halyey ahay sida ay xukuumadii oo idil aan uga wada dhawaajiyey sida in dal shisheeye dalka dagaal kusoo qaaday, sow "Dhakool” waa dowlad calan leh;

-War bal eega hadii maxkamadihii diideen in xadhigayga la sharciyeeyo, sow maanta ma ihi maxbuus siyaasadeed oo maalin dhow Beesha caalamku cafis xukuumadda ii weydiin mayso, sidaasna wixii aan falay xalay dhalay ka noqon maayo;

-Cafiskaas Madaxweyne kadib sow shanta Soomaali degto ka bilow Jig-jiga oo, safar ku gaadabixin maayo oo maalinba magaalo cusub tegi maayo oo sidii Qalbidhagax laamo qoyan laygu soo dhoweyn doonee!

Allaa Mahaleh!

Dr. Cabdicasiis Garaad Suleiman Dahir Afqarshe

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...