Qolof-tiyo Lafii Baa Lagu Liqay Qalaylkii ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday May 18, 2019 - 11:07:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qolof-tiyo Lafii Baa Lagu Liqay Qalaylkii ( Abdi-Shotaly).

    Dabaal-dega lala dharaqaamayo maalmahan, waxa weeye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabaal-dega lala dharaqaamayo maalmahan, waxa weeye

" Geeriddii Somaliland aaskee-diiye, sacabka noogu garaaca" ee si kale yaan la idiinku sheegin, taas oo yaabka jira, weli xabaasheeddii la rabo in wax lagu cuno. ilayn ilaa hadda baa wax aan jirin cashuur lagu urursa-daaye. Waxay somalidu tidhaahaa " Guri madhan muxuu malakul mawdku ka qaadi doonaa"oo micna-heedu yahay, hadaan cidi-ba ku noolayn, ma derbi-yadda uu ku taagan yahay iyo qoryaha daaqadaha iyo albaabadda ku samaysan, oo aan awel-ba noolayn, buu nafta ka qaad is odhan doonaa, ilayn cidi-ba kuma jirtee. Waxan uga socdaa, oo igu kelifay in aan maanta tusaale u soo qaato, Malakul-mawdka dadka nafta ka qabta, waxa weeye, Maxaa looga dabaal-degaa nafiba kuma jirto, oo askartan siddii waxaraha yar-yar dheg-jeexaha leh, maamul iyo qaab aan ujeedo iyo ka jeedo mid-na aan u garanayn, baa qulaan-qulshaha ka gawracaye, Waxa is waydiin leh, Horta ha looba dabaal-dego'e, wax jira ma tahay saaka Somaliland. Magacan waxa jiri-taan-kiisa ugu dambeeyey, Sidaas oo ay tahay, xuska la leeyahay waa loo samaynayaa ma mid xabaasha laga soo fagayo baa, ilayn ifka ma joogto, aakhiro-na laga waaye, oo waatii nolosdha lagu aasay, siddii casrul-jaahiliggii ay hablaha u aasi jireen Carabta weerka malkha-badda ak ku xidhata madaxa'e.



Cabdilaahi suldaan ( Tima-cade) IHUN baa laga hayaa " Duulkii inkaar qaba jinaa daasadaw tuma'e" Ummadan wax aan jirin durbaanka loogu qaraacaayo, ee kolba meel baas afka loo saaraayo, iyana iska garan la', reer hebel ay ku maalaan, kuna wareeriyeen labadan xadhig maran, Waa Geenyo shaaximan oo dhan uu u socdo ama ka socdaa jirin, siddii ilma yar oo uu dhalay farta ugu yeedho, waa ka labadda dhegood-ba go'an yihiin ( Siddii laxddii furo lahayde" ee la yidhaaho Raggii ma adigaa ka hadhaye. Waa aduunyo aan aabo iyo hooyo mid-na aan lahayne, waxa meesha yaala ee la rabo in loo durbaan garaacdo, saw xaafadland maaha? Maxaa loo wareeri-nayaa dadka? Ma dawlad iyo maamul baa jira? Sawtan Sidihii u go'ay, ee aan lahayn cayn iyo bayd, keeno iyo deba-gelis mid lagu dagagaro, ee siddii duufaan geed midha leh ku meereystay, oo siday dabayshu u ruxaysay midhihii ka daateen, ay ummaddii dalka joogtay mid-ba meel ka baxay, guri bed qabaa aanu jirin, ee ay askartii ku dhoobay-satay, fitig-faatig u qaaday, Bal Akhristaw, ummadda ma waxay odhan doonaan, Ciidan Sacabka u garaaca, ilayn ma jiro ciidan ummadi leedahaye. meeshan way u dhamaatay, oo waxay daaqday dhira-dhabto iyo maskax-buq, oo waa taa dhuun yeedhisay, ee ma dib baa loo neef afuufayaa, ilayn haatan qoloftii iyo lafihii baa lagu liqay qalayl-kiiye, oo qalwaddii mas baa galaye.


Waxan ku soo xidhay qoraalkan, Murtiddii ahayd "Deerooy dantaa ma is daba mar baa? oo looga jeedo, wax aan sal iyo raad mid-na aan ku fadhiyin, isku mulaaqan, madax iyo mijo aan loo kala garanayn, geri iyo nolol gees lagu tiriyaa aanay jirin, jiho loo raacaana aanay haba-yaraatee la hayn, garasho daayo aan la masanuunin karin. IlIaah ha u naxariisto'e wuxu yidhi Abwaan Qaasim " Olol-keedu waa ii baxaa, ogta waaberiye, oon iyo haraad waa waxay, la alwanay-saaye, Waa taas ilamaha loogu xidhay, geed adaahi-yahe"Geedka uu abwaanku ku magacaabay " adaahidda" maaha mid if iyo aakhiro-toona naf leh, xooluhu xataa ma cunaa, oo dheef iyo dheecaan ma laha, wax laguma ooto, dhenged lagama goosto, dhigo iyo udubo lagama samaysto, maydhax-na lagama diirto, oo xadhig lagama soohdo, halkuu ka soo baxana waa laga guuraa, lamana dego, oo waxa la yidhaa haday xooluhu cunaan ( Waa lo'dda, adhiga iyo geela'e), way ku dhintaan. Ugu dambayn, askartan meesha ka bef-bef lihi, waa geed-kaas aan sare ku soo sharaxay, ee khasaare mooyee aan abid qaneecaad looga deyin-ba, oo wax kale-na aan loogu xulan, in laga fogaado mooyee, sidoo kale waxan ka botori-naaya Xaafad-tooyadda, ee ka shimbiro-waaqleeya Guriggii Mooorgan, waxay la mid yidhiin geed-kaas aan idiinku soo sheegay qoraalka sare, rajo ka soo jeedaa-na ma jirto, ee ma waxay ina leeyihiin, " Iilkii aanu ku ridnay baan dib uga soo Fugaynaa, siddii lafaha dhulka laga soo qodo, ee laga baadho taariikh-ddii ay jireen, taas oo wax suura-gal ah aan ahayn, Somaliland way dhimatay, dib-na loo arki maayo, ee beenta ha laga daayo ummadu ,way og-tahay waxa jiree kolba weji loo yeelaayo'e..


* N.B Dhalanteed Xareed Waw Eg-yahay, Dheehashadda Guude.

Qore:- Abdi-shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...