"Ummaddii Isku Maan ah Ayaa Meel Wada gaadha"

0
Thursday May 16, 2019 - 11:17:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1075
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ummaddii Isku Maan ah Ayaa Meel Wada gaadha"

    Waa halku dhiga 18May, Maalinta la soo noqoshada qaranimada iyo karaamadda Somaliland oo ku Aadan Sabtida Saadanbe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa halku dhiga 18May, Maalinta la soo noqoshada qaranimada iyo karaamadda Somaliland oo ku Aadan Sabtida Saadanbe.

"Dowladnimadu Maha wax Cirka ka soo dhaca ama Xoog iyo jujuub lagu hirgeliyo Ama Ciidan shisheeye iyo faragelin dibadeed lagu yaglleelo ama Caadifad iyo laab lakac lagu hindiso"
Lkn Dowladnimadu waa heshiis bulsho oo ay isku waa faqaan bulsho kuwada nool Bii'o oo wadaaga dhib iyo dhiif Collaad iyo Nabad horrumar iyo dibu dhac Islamarkaana Wax kastaa Si siman u Wadda Saameeyaan.


Dowladnimo aan heshiis bulsho ku Inman ama lagu Kala taganyahay MA Waarto waxayna ku danbaysaa burbur iyo In Dadku Sida Caasha u Kala Yaaco Meel tallo laga gaadhna la waayo Sidii ku dhacday Jamhuuriyaddii Somalia (Somali Republic).

Ilaahay Mahadii Somaliland Waxay ku Timi Laguna Yaglleelay heshiis bulsho oo loo dhanyahay laga Soo bilaabo shirkii Burco ee Beelaha Somaliland (1991) iyo shirkii Boorama ee (1993) oo lagu dhamaystiray hay,daha dowlada Somaliland dhidibadana loo sii adkeeyay qaranka Somaliland.

Marka Aan leeyahaye Somaliland waa heshiis bulsho oo loo dhanyahay taas Macneheedu Maha In la Mooganyahay tabashooyinka iyo turxaanta jirta ama jirikarta oo ay Nidaamka Dowladeed ka qabaan "In ka Mid ah bulshada Somaliland" Waanna Arin u taalla dhammaan bulshada Somaliland In ay Si wada jira u dawayso Xal raagana loo hello Si wax kasta looga Midoobo Meelna loo wada jeesto.
Dariiqa loo Marayo xalinta tabashada Maha In Dastuur la furo ama Waddo kale oo qarbo qarbo ah wax lagu doono Ama dib loo noqdo, lkn wixii tabasho ah ee Jira waxaa wax ka qabadkooda looga fadhiyaa Madaxaweynaha talada haya iyo hay,daha Kala duwan ee Waddanku leeyahay oo kaashanaya wax garadka iyo aqoonyahanka Qaranku Jooga.

Marka Aan leeyahay Maha In dastuurka Cid gaar ah loo furo Waxaan ku salaynayaa Majiro qodob ka Mid ah (130) qodob ee dastuurka Somaliland oo Cid gaar ah Xaqsiinya ama Cid kale Faquuqaya Ama gobol sed,dheeraad ah Siinaya Iwm. Dastuurka Somaliland wuxuu Xuquuq iyo Xaq isku mid ah Siiyay dhammaan bulshada Somaliland oo aan Kala soocnayn waxaana ka reeban Kala Sarayn iyo Sinaan la'aan Sababta darteed Ma garanaayo wax dastuurka loogu noqdo ama ay Cidi ugu doodi karto dastuurka Hana loo furo.

Ugudabayntii Somaliland Sagaal iyo labaatan Sanno ka dib waxay ku Naaloonaysaa wax badan oo ay qabsatay Sida, Nabad iyo degenaasho buuxa Xasilooni Siyaasadeed iyo Xaakim la doortay oo aan xulasho ku Inman iyo kalsooni ay dadkeedu ku qabaan Jihada ay ku socdaan.

Somaliland waxay ka wacan tahay dhan kasta Sidii ay ahayd (1991) ka hor Waxay ka soo kabatay burburkii iyo barakacii ay ka dhaxashay Midnimadii Aan la Mahadi ee lixdankii, Somaliland waa tareen Dhaqaaqay.

Waa bilaahi tawfiiq

Abdihafid Axmed Hurre, Burco
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...