Qaranimadda Somaliland Qaadhaan Laguma Helinee Dhiig Ayaa Loo Qubay!.

0
Thursday May 16, 2019 - 11:13:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 933
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaranimadda Somaliland Qaadhaan Laguma Helinee Dhiig Ayaa Loo Qubay!.

    Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic
Madaxwayne Kasta Oo Somaliland Soo Mara, Ama Madaxwaynaha Haatan Xukuma Mudane Muuse Biixi Ama Madaxwaynayaasha Ka Dambeeya Mustaqbalka Insha Allaah, Damiirkaygu Isiin Maayo Haddii Aan Ku Mucaarado In Qalbigayga Layla Yeesho, Maqalkayguna Noqdo Sanduuq Waxkastaba Layskaga Rito, Aan Diido Nidaamkasta Oo Madaxwayne Sida Uu Wax U Wado Inaanay Ahayn Wax Shacabwaynaha Dhaqi Karta, Ama Qaranka Somaliland Dhaqi Karta, Balse Waxaa Waajib Iga Saaran Yahay Anigoo Nidaamka Jira Aan U Qaadan Qori Ama Jabhad Aanan Ku Dhawaaqin Ama Aanan Xidhan Maryo Ku Xardhan Calanka Soomaaliya, Balse Damiirkaygu Wuxuu Isiinayaa Cadaalad Daro Kasta Aan Wadankayga Ku Qabo, Ama Duruufkasta Aan Ku Qabo, Ama Gobolkaygu Ku Qabo Ama Gobolada Kale Ay Ku Qabaan,


Damiirkaygu Wuxuu i Siinayaa Baahiyahaas Kala Duwan Inay Ka Wayn Tahay Qaranimadda Somaliland Ee Aan Ku Iman Qaadhaan, Ama Hadyad, Ama Baryo, Balse Ay Ku Timi Halgan Dheer Oo Hubaysan Oo Loo Daadiyay Dhiig, Kuna Naf Waayeen Konton Kun Oo Qof, Xoolo Badana Lagu Waayay, Laba Milyan Oo Shacab Ahina Guryahoodii Ay Hadhsanayeen Lagaga Saaray Madaafiic, Loona Adeegsaday Dayuuradaha Dagaalka, Maraakiibta Dagaalka, Shacabkaas Oo Loo Gaystay Xasuuqii Ugu Xumaa Ee Aduunyada Ka Dhaca Oo Aan La Kala Reebin Culimaaudiin, Odayaal, Islaamo, Dumar, Dhalinyaro, Caruur, Dad Waalan, Maxaabiis Iyo Dad Dhakhtarada Xanuun La Jiifa Oo Layskugu Xidhi Jiray Konton Konton Qof, Ka Dibna Inta Rasaas Nool Lala Dhaco, Marka La Hubsado Inay Mayd Yihiin Loo Samayn Jiray Xabaalo Wadareedyo Ay Qodaan Cagaf Cagafyo Ka Dibna Ay Ciid Ama Camuud Ku Rogaan.

Gobonimo Ciyaar Laguma Helo Ban Iska Taalaayee, Gobonimada Somaliland Dhiig Ragg Ayaa Lagu Helay.

Damiirkaygu Wuxuu i Siinayaa Wixii Nidaam Xumo Aan U Arko Ha Noqdaan Xukuumadihii Kala Dambeeyey, Xukuumadda Madaxwayne Biixi Iyo Xukuumadaha Ka Dambayn Doona Insha Allaah, Waxaan Ku Toosinayaa Qoraal Caafimaad Qaba Oo Aan U Iftiiminayo Mugdiga Ku Gadaaman Madaxwayne Kasta Maamulkiisa, Haddba Xukuumaddii Wakhtigaa Jirta Haday Dhegaha Ka Furaysato Shacabwaynaha, Saxaafadda Iyo Mucaaradka Talooyinka Caafimaadka Qaba U Soo Jeedinaya Oo Ay U Aragto Cadoowgeeda Koowaad Ama Kuwo U Adeegaya Cadoowga Somaliland, Halkaas Waxaa Uga Banaan Mucaaradka Iyo Shacabwaynaha Fursad Dahabiya Oo Ay Kaga Guulaysan Karaan Wakhtiyadda Loo Codaynayo Doorashooyinka Kala Duwan Madaxtooyadda, Wakiiladda Iyo Deegaanka.

Balse Waxaad Moodaa Inaanay Masuuliyiinta Sadexda Xisbi Qaran Aanay Fahansanayn Ama Aanay Qeexi Karin Xisbiyadda Mucaaradka Waxa Looga Baahan Yahay, Waxaan Looga Baahnayn, Xisbi Xaakimkuna Waxa Looga Baahan Yahay, Waxaan Looga Baahnayn.

Xisbiyadda Mucaaradku Waa Inay Noqdaan Kuwo Toosintoodu Ay Tahay Mid Caafimaad Qabta Balse Xaalkoodu Aanu Noqon Mindi Mindi Ku Taag, Ama Ku Xumee, Ama Wixii Horumara Ee Sifo Sharciya Loo Maro Ka Soo Horjeeso.

Xisbi Xaakimka Iyo Xukuumaddiisa Waa Inaanay Noqon Ciil Qabayaal Weligood Aan Xilal Mihiima Soo Qaban, Oo Wadanka Laga ILaalinayay Intii Somaliland Jirtay, Oo La Takooray, Balse Waa Inay Isu Arkaan Inay Yihiin Xisbi Xaakim Wadanka Hogaaminaya Oo Ay Madaxwayne U Yihiiin Sadexda Xisbi Qaran Iyo Taageerayaashooda, Oo Deegaamada
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...